Madaxweynihii hore ee Puntland oo maanta xilka ku wareejiyey madaxweynaha cusub +Sawiro

Garowe (berberanews) -:Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta xilka ku wareejiyey madaxweynaha cusub Prof. Cabdiweli Maxamed Cali, wuxuu kaloo wareejiyey xaruunta madaxtooyada cusub oo uu ku shaqayn jiray, tirada guud ee ciidamada iyo mashaariic la sugayey.

1613-300x200

Dr. Faroole ayaa carabbaabay wax badan oo la xidhiidha howsha hortaala madaxweynaha cusub iyo waxa laga filayey Puntland ka hor doorashadii iyo inta uusan xilka wareejin maanta 14 January 2014.

“Waxaan dadka reer Puntland u soo jeedinayaa dhamaantood inay madaxweynaha cusub la shaqeeyaan siday iila shaqayn jireen.” Madaxweynihii hore ayaa kadib is weydiiyey “hal halkii mucaaraadka ahaa oo qaylin jiray waxaan filayaa inay hadda miyirsanayaan, mise meeshooday ka sii wadi doonaan tolow.” Ayuu yir Faroole

Madaxweynahii hore ee Puntland ayaa amaanay in dadka reer Puntland yihiin kuwa midaysan, intaas kadib ayuu ku baaqay in Soomaaliya lala shaqeeyo oo lala qabto wixii lala qaan karo, sida uu hadalka u dhigay Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo xilka wareejiyey.

541-300x200

“Kuwa ku faraxsan inaan meesha ka boxno ha ogaadeen inuu meesha yimid mid ila mid ah” “horaan u sheegay in aniga hadii aan meesha ka boxno uu iman doono mid ila mid ah, isaga oo ah nin aqoon leh ayaa Eebe u gartay.” Ayuu Madaxweynihii hore oo shir jaraa’id ka hadlayey.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa carabka ku dhuftay mashaariic dhowr oo ay ka mid yihiin dhismaha garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, bixinta qandaraaska dhismaha garoonka Garoowe, jaamacada Maakhiir iyo mashaariic kale oo dalka laga fulin lahaa wakhtiga dhow.

 371-300x200

Ugu dambayntii madaxweyne Faroole ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland Alle uga baryey inuu shaqada u fuduudeyo, sidoo kale wuxuu kula dardaarmay Prof. Cabdiweli Maxamed Cali inuu howsha shaqo ee Puntland halkaas ka sii wado.

441-300x200

Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Puntland doorashadii dhacday 8 janaayo oo lagu sifeeyey mid taariikhi ah, maadama lagu jiray xili adag iyo siyaasad qalafsan oo u dhexaysay tartamayaasha iyo maamulkii hore. Madaxweyne Faroole ayaa wakhti hore soo dhoweeyey is bedelka Puntland iyo madaxda cusub.

 
berbernews-Desk
Garoowe/Puntland