Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo ugu baaqay dawladda Somaliland inay ka baxdo wadahadalka Soomaaliya ee uu martigelinayo dalka Turkiga oo aaminsan fikradda midnimo Soomli-weyn

Hargeysa (Berberanews)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in shirka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya hoos u riday meeqaamka caalamku kula dhaqmi jiray Jamhuuriyadda Somaliland.

Eng. Xaashi oo hadal ka jeediyey shir-jaraa’id oo siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu ku qabteen shalay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Somaliland ku ceebaysan tahay wadahadalka lala galo dawladda Soomaaliya, isla markaana aanay ka soo bixi doonin wax faa’iido u ah dalka.

“Wax faa’iido oo shirkaa ka soo baxay iyo waxaynu filaynaa inay ka soo baxaan midna ma jiro, shirkaas waynu ku ceebawnay, waynu ku ceebaysannahay. Magac xumaa innoogu jirta, fool-xumo ayaa innoogu jirta, haybadii dalka ayaana ku luntay. Shirkaasi mid faa’iido leh maaha, waxaanan u malaynayaa in aanay guddida wadahadalka uga qaybgala Somaliland aannu wax looyar ah sii raacin marka ay shirka tagayaan oo xataa sharciga wadiiyaan. Inay dastuur sii qataan u malayn maayo, waxaanad mooddaa in hudheellada waaweyn iyo dibadda loo dalxiis tegayo, sidaasina waa fool-xumo. Qarannimada Somaliland waa la baabi’iyey, waxaanay yidhaahdaan kama noqonaynno goonni-isu-taaggii, marka ficilkeeda ha la arko ayaannu leenahay,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxa kale uu ugu baaqay dawladda Somaliland inay ka baxdo wadahadalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dalka Turkiga ee wadahadalka martigelinayaa aannu oggolayn mabda’a kala go’a, maadaama uu cadaadis ku hayo dadka Kurdistaanka ee ku nool gobollo ka mid ah dalkaas Turkiga, doonanaya madaxbannaani

“Waxaannu soo jeedinaynaa oo leenahay dawladdu ha ka noqoto oo wadahadalladan la tegayo ha iska dayso oo Turkigan aan oggolaynba in la kala go’o ee isaguba qaar addoonsada tegididisa ha la iska daayo. Dhaqaale ayeynnu ka helaynaa bay ku odhanayaan.”

Sidoo kale, Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ku canaantay xukuumadda in ay samaysay khalad ah in hay’adaha caalamiga ah dalka kaga hawlgalaan magaca Soomaaliya, waxaannu yidhi; “Hay’adaha UN-ku magaca Soomaaliya ayey ku joogaan, waxaanay ahayd in iyaga laga bilaabo oo la yidhaa waar naga baxa annaga Somaliland baa nala yidhaahdaaye oo Somaliland ku jooga, haddii aydaan ku joogayna naga taga. Way kuu sii kordhin lahaayeen oo mushaharka iyo lacagta ay qaadanayaan bay dan ugu jirtaa. Caqliga ma gasho inaan dhanna ka nidhaahno Ingiriisow na ictiraaf, hay’adaha ka socdaana Soomaaliya magaceeda ha ku joogeen, waa wax aan is-qabanayn.”

Dhinaca kale, waxa uu ka warbixiyey shirarka kale ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee dawladda Somaliland ka qaybgasho, kuwaasoo uu ku sifeeyey inay yihiin niyad-jab ku riday dalalka saaxiibka la ah Somaliland.

“Shirka innaga iyo Soomaaliya ee aynnu tagno ee sida xun u bilaabmay ee aan waxba ka soo bixin ee iyagu goor walba dafiraan ee ay diidaan, dibna u dhigaan ee anniguna aynnu dabo yaacayno oo iyana yaab leh. Halkay arrintu ka murgacatay waxay ahayd shirkii London lagu qabtay ee ugu horreeyey.Golaha Wasiirrada ayaa la keenay shirkaas in la keeno, khamiis baannu ka hadalnay, waxana la isku raacay in aan shirkaas la tegin, khamiistii dambe ayaa Wasiirkeena Khaarajigu ka yimi xagga Ingiriiska oo dabadeedna wuxuu keenay war cusub oo wuxuu yidhi, meel gaar ah baa la ina fadhiisinayaa oodawladaha ka soo qaybgalaya ayeynu ka mid nahay, roog cas baa la inoo dhigayaa. Wax ka duwan baynu nahay gobollada Soomaaliya ee la heshiisiinayo ee isu imanaya, markaa aniga iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka ayaa diidnay, labadayadaas ayaana ka footaynay.”

Wasiirkii hore ee Maaliyadda waxa uu tilmaamay in marka Somaliland ka qaybgasho shirarka Soomaaliya loo qabanayo caalamku u qataan in Soomaali heshiisay oo midawday, waxaannu yidhi; “Haddaan sidaan u fikirayey wax ka idhaahdo shirka la isugu yeedhay gobolladii Soomaaliya ee kala cadhaysnaa ee iyaguba diidanaa, kolkaad tagto gobol Soomaaliya ka mid ah oo kuwa cadhoonaya ka mid ah uun baa laga soo qaaday, taasina waxaannu diidaynay ahayd ilaa maalinta gobol Soomaaliya ka mid ah baynu ahayn, intii ixtiraamka inoo haysay ee dawladda ahayd oo Itoobiya ka mid ahayd oo aad ogaydeen halkay taagnayd oo tidhi haddii lagu soo duulo waannu la dagaal galaynaa, Ingiriisku sidaa ma ahayn qolo kastana waxay ku nafsad jabtay markii cilinkeennii la saari waayey ee ay noqotay kolkii ay shirayaan ba ee gobol gobol u shirayaan oo iyaga la dhexdhexaadinayo inaynu inaguna dhexgalno, ayey qolo walba candhuufteedii dib u liqday oo tidhi kuwani iyaguun baa murmurmaayee goosadku ka dhab maaha.”

Waxa kaloo uu xusay in shaki ku jiro in xukuumaddu beddeshay mawqifkii goonni-isu-taagga Somaliland, waxaannu ku tiraabay; “Xasan Sheekh (Madaxweynaha Soomaaliya) wuxuu yidhi shirba la geli mayno Somaliland ilaa ay ka noqonayaan goonni-isu-taagga, markaa su’aashu waxay tahay waatan haddana la isu tegayo ee la shirayee ma isagaa ra’yigiisii beddelay, mise innagaa goonni-isu-taaggii ka noqonnay? Dadkii waxba looma sheego oo lama yidhaa waxaasaannu odhanaynaa, talo la sii qaataana ma jirto, kolka dambena talo laga warramo ma jirto. Dadkani war buu u baahan yahay.

Waxa la yidhi ma koontiinar uun baynnu ku jiri waa inaynnu caalamka u tagnaa? Caalamku wuxuu iswaydiin lahaa kolka la innaga waayo meesha maxaa helay, dabadeed waxa soo bixi lahayd barigii hore iyagaa ku darsaday, imminkana way ka goosteen oo sidaas ayeyna shirkii uga soo qaybgelin. Taasaa ka miisaan weynaan lahayd in la yidhaa Soomaalidan wada shiraysa waa wada Soomaali oo is-diidmo uun baa jirta ee wax kala go’ ah ma jiro, dabadeedna sidii xaal iyo wax loo siin lahaa oo loo wadahadli lahaa,” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland.

Jamhuuriya