Xildhibaan Jaamac Riyo Oo Sheegay in Loo weeraray Hees Dhaliil ah Oo uu U Tiriyay Xukuumadda Kulmiye

Hargeysa (berberanews) Xildhibaan jaamac Faarax  ayaa manta lagu weeraray xarunta baarlamaka maqaati ku dhex taal .

xildhibaan  jaamac ayaa ah abwaan ka tirsan halabuurada ay tixa ay tiriyaan ama heesahoodu  saameen ku dhex yeesha dadka soomaalida ah.

download (11)

xildhibaan jaamac riyo ayaa lahaa heestii ku dhexbaahday bulshada soomaaliland taas oo uu utiriyay madaxweynihii hore ee soomaaliland markii uu saluugay siyaasadiisii uu ku hogaaminayay  dalka .

Heestaa oo aheyd KA DHAADHAC  ,

Xildhibaan Jaamac ayaa dhawaantan hees cusub usoo bandhigay warbaahinta soomaaliland heestaa oo lagacbaxday KA DAADTA  heestaa oo uu ku cabiraryay hogaaminta dalka oo uu saluug ka muujiyay .

Xildhibaanka ayaa manta ka waramay sida loogu soo weeraray shaaha beelka ah waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan,

Waxa ay ha hayd abaare 10:30 Subaxnimo waxa aan tagay kafatiriya ku dhextaal xandaabka golaha baarlamaanka waxaa iskey soo barbar taagay ninka weerarka igu soo qaaday iyo   mida ka mida dadka dadka maankooda la is ticmaallo anigu odhan maaye xildhibaan isga oo u jeeda xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo ay isku hayb yihiin waa xildhibaan Nac Nac.

Xildhibaan jaamac oo hadalkiisa sii  wata ayaa yidhi ninka dhalinyarada ah ee weerarka igu soo qaaday gacanta waxa uu ku sitay koob shaah ah kadib waa uu igu shubay oo dhankaa ayaa iga shubay koobkii iyo shaahii oo wada socda ayaa igu wada dhacay ka dib ninkii weerarka iigeystay waa uu cararay nasiib wanaag waxaa qabtay ilaaladii baarlamaanka imikana waxa uu ku xidhanyahay saldhiga dhexe.

Jaamac riyo ayaa hadalkiisii ku daray nin wax aqoona uma aan laheyn cida ka danbeeysana waa cidaa markaa la socotay oo ah xildhibaan nacnac  iyo cida kasii danbeeysaba waa wax soo bixidoona.

Waxa saaka la igu weeraray nuxurka kadanbeeya waxa weeye heesta aan maalin dhaweyd u soo bandhigay oo la magacbaxday KA DAATA heestana imika gacanta ayaa lagu hayaa oo waa ay soo baxaysaa maalmaha fooda inagu soo haya .

Hadaba arrinkan oo noqonaya mid aan ugub aheyn ayaa hada waxa aad u siibadanaya qofka fikirkiisa cabira in loo soo adeeg sanayo dadka maangaab ka ah ku was oo inta badan aan wax buuran ku qabin sida.

 berbernews-Desk

Hargeysa/somaliland