Guddiga Somaliland uga qaybgalaya wadahadalka oo Addis Ababa uga dhoofay xalay dalka Turkiga + wasiirrada cusub ee Soomaaliya oo la filayo in si degdeg ah loogu dhawaaqo

Muqdisho (Berberanews)-Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa mooshin ay soo gudbiyeen ku ogdolaaday in wasiirrada xukuumaddii kalsoonida lagala noqday ee Ra’iisal-wasaare Saacid xubno ka noqon karaan golaha wasiirrada cusub ee la soo dhiso, iyadoo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo la qorsheeyey inuu 16 Januray 2014 ka qabsoomo dalka Turkigu u xanniban yahay dhismaha golaha wasiirrada Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed Madaxtooyada Hargeysa ka soo baxay xalay, guddida Somaliland wadahadalka uga qaybgalaya ayaa saqdii dhexe ee xalay u dhoofay dhinaca dalka Turkiga, kuwaasoo sheegay inay ku rajo wayn yihiin inay halkaas wadahadal kula yeeshaan dhiggooda ka socda Soomaaliya, iyadoo aan weli lagu dhawaaqin liiska golaha wasiirrada cusub ee dawladda Muqdisho.

“Waxa caawa [xalay] ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee dalka Ethiopia ka dhoofay guddida Somaliland ku metelaya wadadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Addis Ababa, kadib markii ay halkaasi ku qaateen aqoon-iswaydaarsiyo iyo kulamo kala duwan oo kaga arrinsanayaan sidii guulo ugala soo noqon lahaayeen wadahadadlada dalka Turkiga..

Weftigan oo ku sii jeeda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaasi oo ay ka dhacayaan wejiga shanaad ee wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa isugu jira afar wasiir iyo saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo isagu hogaaminaya weftiga, ayaa sheegay inay gudida ku sii jeeda dalka Turkiga ee ka  ambabaxay magaalada Addis Ababa ay halkaas u tegayaan wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kana rajaynayaan in ay guul kala soo laabtaan, taas oo qaranka iyo shacbiga Somaliland-ba farxad-gelisa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland waxa uu sheegay in uu guud ahaanba shacabka ku guubaabinayo inay taageeradii lagu yiqiin la barbar istaagan guddidaas, waxaannu xusay in guddidani wakiil ka yihiin shacabka Somaliland, sidaa awgeedna reer Somaliland meel ay joogaanba muujiyaan dedaal iyo niyad-sami dheeri ah, Somaliland-na heli doonto waxa ay beesha caalamka ka rabto insha Allaah sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas oo ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul.

Dhinaca kale, fadhigii mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee shalay oo ay ka soo xaadireen 218 xildhibaan, ayaa la hordhigay mooshin lagu diiddan yahay in cod loo qaado mooshin kale oo lagaga soo horjeedo in wasiirrada xukuumaddii kalsoonida lagala noqday lagu daro liiska golaha wasiirrada cusub, iyadoo aqlabiyadda mudanayaashu u codeeyeen in xubno ka mid ah wasiirradii hore ka mid noqon karaan xukuumadda cusub ee la filayo in si degdeg ah loogu dhawaaqo 24 saac gudahood si ay uga qaybgalaan wadahadalka ka furmaya dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa xildhibaannada ka codsaday in cod loo qaado mooshin lagu taageerayo in wasiirradii hore xubno ka noqdaan xukuumadda cusub ee la soo dhisayo, waxaanna mooshinkaas taageeray 113 xildhibaan, waxa diiday 99 mudane, halka lix xildhibaan ka aamuseen, iyadoo sidaasna lagu laalay mooshinkii lagu diiddanaa in ra’iisal-wasaaraha cusub soo xusho xubno ka mid ah wasiirradii hore ee ka tirsanaa xukuumaddii kalsoonida lagala noqday.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal-wasaaraha cusub, ayaa maalmihii u dambeeyey olole xooggan ugu jiray sidii ay baarlamaanka ugu qancin lahaayeen inay ogolaadaan in golaha wasiirrada cusub lagu daro xubno ka mid ah xukuumaddii dhacday, arrintaasoo ka mid ahayd caqabadaha haysta in lagu dhawaaqo liiska xukuumadda cusub oo qorshuhu ahaa in la soo saaro 10 January 2014, balse Ra’iisal-wasaaraha loogu daray muddo 10 maalmood ah oo ku beegan 20 January 2014.

Dhinaca kale, wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo u muddaysnaa 16 January 2014, ayaa la sheegay inuu ilaa hadda u xayiran yahay dhismaha xukuumdada cusub ee Soomaaliya, iyadoo la filayo in bilowga wadahadalku markale dib u dhaco, maadaama aan weli lagu dhawaaqin, lana ansixin wasiirrada Soomaaliya uga qaybgalaya wadahadalka.

Guddida Somaliland uga qaybgalaya wadahadalka oo muddo toddobaad ah ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay sheegeen inay ku qaadanayaan tababar la xidhiidha qaabka loo galo wadahadallada xaasaasiga ah ee dalalku ku kala madaxbannaanaadaan, ayaa u dhoofay xalay dhinaca dalka Turkiga oo qorshuhu yahay inay Arbacada maanta oo taariikhdu tahay 15 January 2014 gaadhaan magaalada Stanbul oo wadahadalku ka furmi lahaa Khamiista berri, balse ilaa wasiirrada cusub ee Soomaaliya lagu dhawaaqayo wadahadalku dib ayuu u dhacay.