Wasiirro, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin Dawladeed oo isu Bahaystay Carqaladaynta Shirweynaha KULMIYE

Hargeysa-(Berberanews)- Xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo dawladeed, ayaa beryahan dambe si weyn isugu bahaystay carqaladaynta shirweynaha xisbul-xaakimka KULMIYE oo markii afraad dib loo dhigay qabsoomiddiisa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in xubno oo uu gadh-wadeen u yahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ay rayul-caamku u arkaan inay xuddun u yihiin khilaafyada iyo dib-u-dhacyada ragaadiyey shirweynaha saddexaad ee KULMIYE, kadib markii ay caadaysteen inay abaabulaan shirar-doceedyo muranno cusub xisbiga dhexdiisa ka dhaliya, sidoo kalena qaybo ka mid ah warbaahinta maxalliga oo si gaar ah ugu adeega ku faafiyaan dacaayado iyo warar borobogaando ah ay ku carqaladaynayaan habsami-u-socodka hawlaha qabanqaabada shirweynaha.

Waxa kaloo masuuliyiinta u tafa-xaytay faafinta dacaayadaha dhanka ka ah qabsoomidda shirweynaha KULMIYE ka mid ah Wasiirka Wershadaha Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad), xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaki) oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Agaasimaha Maamulka Lacagta ee Komishanka La-dagaallanka AIDS-ka Mr. Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif), kuwaas oo la sheegay inay isu bahaysteen dagaal aan nasasho lahayn oo ay kula jiraan hoggaanka xisbiga oo xafiiltan xooggan ka dhexeeyo, iyadoo tallaabooyinka kooxdaas lagu sifeeyey inay tahay xuddunta khilaafyada joogtada noqday iyo halka uu ka socon la’yahay shirweynaha saddexaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE oo markii afraad dib ugu dhacay murannada xubnahani ka dhex abuuraan xisbiga.

Waxa kale oo ilo-wareedyada xogogaalka ah xaqiijiyeen in kooxdaasi magaalada Hargeysa ka kiraysteen guri ay ka wadaan ololahooda iyo hawlgallada lagu khalkhalinayo qabsoomidda shirweynaha xisbiga KULMIYE, iyadoo la sheegay in gurigaas loogu tallogalay inuu noqdo mafrish la isugu yimaad gelinka dambe iyo habeenkii, isla markaana lagu qabsado shirarka lagu doc-wareemayo shirweynaha xisbul-xaakimka.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo kala duwan, ayaa Jamhuuriya u sheegay in madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), aannu si toos ah ugu jirin ololaha lagu fidinayo dacaayadaha ka dhanka ah hoggaanka sare ee KULMIYE iyo qabsoomidda shirweynaha xisbiga, balse aannu weli ka tanaasulin go’aankiisa uu kula loolamayo guddoomiyaha iyo ku-xigeenka xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ayaa saxaafadda u sheegay Jimcihii toddobaadkan in khilaafka xisbigu iska dhammaan doono, isagoo xusay in aanay jirin wax dhibaato ah oo shaqsi ahaan dhextaal isaga iyo Muuse Biixi Cabdi, balse haddana waxa la ogyahay in Md. Saylici oo ka mid ah hoggaanka KULMIYE uu ku hawlan yahay qorshayaal khalkhal ku ridi kara shirweynaha xisbiga oo muddaysnaa inuu qabsoomo 21 January 2014, kaasoo hadda la filayo in dib loo riixo, maadaama Madaxweynaha Somaliland safar ugu baxayo dalalka Yurub, 19 Januray 2014.