Xisbiga WADANI oo dhalliilo culus u Jeediyay Siyaasadda Madaxweyne Silaanyo dalka ku hoggaamiyo

Hargeysa-(Berberanews)-Masuuliyiinta u hadlay Xisbiga WADDANI oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Xarunta Xisbigaas ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in weftiga Somaliland uga qayb-galaya wadahadallada Soomaaliya ay Magaalada Addis-ababa ku qaateen siminaar ku saabsan nidaamka Federaalka.

Xoghayaha arrimaha gaarka ah ee xisbiga WADDANI, Xuseen Asad, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi; “Xukuumaddu siyaasadda arrimaha dibadda way ku hafatay saddexdii sanadood, wayna jihayn kari wayday siyaasadda arrimaha dibadda, xukuumaddu way tagtay wadahadallada Soomaaliya, waynu ognahay meeqaamkii qaranimo ee Somaliland caalamka ku lahayd, taladii gooni isku taaga Somaliland hoos dhac-baa ku yimid intii xukuumaddani talada haysay.”

“Waad ogeydeen dhawaan in dawladda Soomaaliya ay ka soo yeedhay in aanay Somaliland la hadlayn ilaa inta Somaliland ku taagan tahay majaraheeda gooni isku taaggeeda ilaa ay ka tanaasulaan, oo ay noqdaan maamul gobolleed. Xukuumaddeenu waxay kaga jawaabtay telefoon ayaanu kula xidhiidhnay Madaxwaynaha Soomaaliya oo dib baa lanoogu dhigay, waayo iyagaa degdegaya.” Sidaa ayuu yidhi Xuseen Asad.


Waxaanu intaa ku sii ladhay oo yidhi; “Waxaanu ognahay in weftigii xukuumadda uga qayb-galayey wadahadalladu ay Addis-ababa ku qaateen siminaar ku saabsan federaalka oo ay qaateen nidaamka federaalka loo hirgalinayo. Waxaannu ku talinaynaa in xeerkii fasaxayey wadahadallada Soomaaliya la laalo oo lagu celiyo halkii Daahir Rayaale kaga tagay.”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo muujiyey fikir kaas la mid ah oo ay ka qabaan Ergada Somaliland uga qaybgalaysa wadahadalka Soomaaliya lala yeelanayo, kuwaasoo xalay gaadhay waddanka Turkiga oo ay maanta kulan hor-dhac ah ku wada-yeelanayeen sida qorshuhu ahaa Ergada ka socoday dhinaca Soomaaliya

 

Berberanews.com

info@berberanews.com