“Qaranka wey ka go,antahay inaanu dalka fidnayn qof gacan ku dhiigle ahi..”Wasiir Caddaani

Jidhaan-buul(Berberanews):- Laba Beelood oo dhawaan oo maalmo ka hor ku diriray deeggaanno ka tirsan gobolka Sool, ayaa maanta  la isugu keenay deegaanka loo yaqaanno Jidhaan-buul oo ka tirsan deegaanka Oog sida uu Wasiiru-dawlaha Maaliyadda oo Wefti Xukuumaddu u dirtay ka tirsani u sheegay Shabakadda Aftahannews galabta.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo ka mid ah Wefti Xukuumadda ka socda oo maalmahanba socdaal ku joogay deegaannada dirirtu ka dhacday, ayaa sheegay inay isu keeneen  odayaasha labada beelood ee dirirtu dhex martay, isla markaana la dhaariyay wax garadka labada dhinac nabaddana la wada qaatay  dhanna looga soo wada jeedo cid kasta oo wax geysata.

Halkan Riix Warka oo dhammaystiran