Wada Hadaladii Soomaaliya Iyo Somaliland oo Maanta Lagu Wado In Ay Ka Furmaaan Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga

Ankara (GNA)Wareeggii 5aad ee wahadaladii u dhexeeyey dawladda Muqdisho iyo Dawladda Somaliland ayaa maanta oo khamiis ah ka furmaya magaalada Ankara ee xarunta dalka turkiga, kadib markii ay halkaasia gaadheen ergooyin ka kala soacda dowladda
somalia-meeting
Muqdisho iyo maamulka somaliland kuwaas oo ay kaa hoggaaminayeen wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Muqdisho C/kariin Xuseen guuleed  iyo wasiiraka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Xildhibaan C/samad Macallin Maxamuud oo ka mid ah ergada ka socota dowlada Muqdisho, ayaa warbaahinta  u sheegay in socota qaban qaabo ballaadhan oo loogu diyaar  garoobayo furitaanka shirka ee maanta wuxuuna yidhi isagoo ka hadlaya arrimaha wadahadalka labada dhinac“Wada hadaladu waa kuwa ku saleysnaan doona amba-qaadka qodobadii heshiiskii ugu dambeeyey ee labada dhinac isla gaadheen, waxaan rajeynayaa in ay ka soo bixi doonaan natiijo ay Ummadda Soomaaliya ku faraxdo, walaalaheena Somaliland diyaar ayeey u yihiin wax wada qabsi iyo is afgarad” ayuu yidhi Xildhibaan C/samad Macallin Maxamuud oo intaasi ku daray in hadda aaney miiska saarneyn in arrimaha xasaasiga ah laga wadahadlo balse taas bedelkeeda laga wadahadlayo qodobadii lagu gaadhi lahaa  in marka dabe qodobada xasaasiga ah doodooda laguda galo lagana wadahadlo, isagoo xusay in wadahadalada labada dhinac ay wakhti dheer qaadanayaan.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa isna dhiciisa sheegay in shirkaasi ay doonayaan inay ku soo bandhigaan inay dowladda Muqdisho aqoonsato gooni isutaaga somaliland, isagoo xusay in somaliland aysan aheyn sida uu yidhi gobol ka go’aya soomaaliya balse ay tahay dal goonidiisa u taagnaa ka hor intii aanu la midoobin soomaaliya, wuxuuna intaasia ku daray inuu ku rajo weyn yahay in shirkaasi ay soo baxaan wax ay ku farxaan dadka reer somaliland sida uu yidhi
Marka laga soo tago hadalada ay labada Mas’uul warbaahinta siinayaan ayaa la fileyn waqtiga dhow ay doodad wahadalada labada dhinac gaadho heer laga wadahadlo  arrimaha xasaasiaga ah sida waxa laga yeelayo midnimada soomaaliya oo ay dowladda Muqdisho taagan tahay waa lama taabtaan iyo gooni isutaagga ay somaliland ku dhawaaqday oo ay taagan tahay inay soomaaliya kala soo noqotay madaxbanaanideedii sanadkii 1991 kadib midow labada labadii gobol ee waqooyi iyo koofur ee sanadkii 1960kii, waxayna wadahadalada wakhtiga dhow u badnaan doonaan kuwo ku saleysan maxaa iska kaashankarnaa iyo maxaan wadaagi karnaa ka hor inta aan la gaadhin in laga wadahadlo qodobada xasaasiga ah.
berberanews-Desk
Hargeysa/Somaliland