Yoweri Museveni oo sheegay in ciidamada dalkiisa ay ka dagaallamayaan gudaha South Sudan

Sudan-(BBC/Berberanews)-Madaxweynaha Yugaandha, Yoweri Museveni, ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay ka dagaallamayaan gudaha South Sudan.

Waxaa uu sheegay inay caawinayaan ciidammada dowladda madaxweyne Salva Kiir Mayardit.

Museveni waxaa uu sheegay in ciidamadiisa iyo kuwa dowladda ay fallaagada kaga adkaadeen dagaal ka dhacay meel 90 kilomitir u jirta magaalada caasimadda ee Juba.

musefeni

Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah ciidammadda Yugaandha ay halkaas ku dhinteen.

Magaalada Bor

Afhayeenka Militeriga Yugaandha Pandy Ankunda ayaa sheegay in dagaalka uu haatan ka socda meel u dhaw Bor.

Ciidammada mucaaradka ee daacadda u ah madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar ayaa horey u qabsaday magaaladaas.

Machar ayaa horey ugu eedeeyay Yugaandha inay ka dagaallamaysa South Sudan.

Balse dowladda Yugaandha ayaa horey u beenisay eedeymahaas.

Dowlada Yugaandha waxay aad u taageereeysaa madaxweynaha South Sudan Salva Kiir.

Qaab dimuquraadi

Waxay sheegaysaa in uu yahay madaxweyne qaab dimuqraadi ah lagu soo doortay.

Yugaandha waxay dano muhiim ah ka leedahay South Sudan.

South Sudan ayaa dhanka kale ah marinka ugu weyn ee badeecadaha ay dhoofiso Yugaandha.