Hargeysa: Sheekh Muxaarado Ka Jeedinayey Xarunta Khayriyadda Oo Goor Dhawayd La Dhaawacay

Hargeysa (berberanews) Alle ha u sahlee Sheekh Maxamed Haybe oo goor dhawayd Muxaadaro ka jeedinayey Xarunta Khayriyada Hargeysa, ayaa dhaawacyo soo gaadheen, ka dib markii nin ka mid ahaa dadkii dhageysanayey uu dhowr jeer toorey ku dhuftay.

 download (6)

Sheekh Maxamed Haybe oo Jimce kasta muxaadaro Diiniya oo ku taxaluqda arrimaha dhaqanka isla-markaana maanta ka hadlayay dhibaatada dhageysiga Muusikada, ayaa markii dhaawacu soo gaadhay loola cararay cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, si xaaladdiisa loola tacaalo.

 

Ilaa hadda lama garanayo sababta Sheekha loo bartilmaameedsaday Sheekh Maxamed Haybe, balse ilaa hadda waxa buuq ka taagan yahay halkii falkani ka dhacay, waxaana arrintan ka cadhooday boqollaal qof oo dhageysanayey Muxaadarada sheekha.

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland