Liiska Cusub ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo lagu dhawaaqay…AKHRI

Muqdisho (berbernews)Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa goor dhow ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayadoo Munaasabadda magacaabistana ay imika ka socoto xarunta Madaxtooyada soomaalia.

 XILWAREEJIN-DSC_0057-4-146x85

Ra’isulwasaaraha ayaa tilmaamay in magacaabistan ay ka dambeyso wadatashi ballaadhan islamarkaana uu ka ogolaadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Waxaana uu ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney ansixiyaan Golaha Wasiirrada.

Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisay Ra’isulwasaaraha ayaa ka kooban 25Wasiir, Shan Wasiirudowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen waxaana magacyadooda ay kala yihiin sidan:-

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare

Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle

Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed

Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin

Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)

Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan

Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed

Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan

Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye

 Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow

Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar

Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud

Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed

berberanews-Desk

Muqdisho/Somalia