Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo lacag ku noqday shakhsiyaadka sannadkii tagay, Qiimayn SODRA soo bandhigay oo shacabka ka yaabisay Iyo W/Qorsheynta oo Ka Hadlay

Hargeysa-(Berberanews)-Ururka SODRA oo ah urur Waddaniya, ayaa shakhsiyaad uu ku tilmaamay inay sanadkii tagay 2013-ka ugu waxqabad-badnaa dalka Somaliland  siiyey shahaado- sharaf uu ku tilmaamay inay mutaysteen, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay inay gaadhayeen Kontameeya qof oo is-kugu jiray Wasiiro, Agaasimayaal ka tirsan xukuumadda Siilaanyo iyo shahsiyaad xidhiidh la leh ururka.

sawirka SODRa

Qiimeynta uu sameeyey Ururka SODRA ayaan ku fadhiyin cilmi, isla markaana ahayd mid baal-marsan hanaanka iyo qaabka wax loo qiimeeyo,marka la barbar dhigo nidaamka adduunka wax loo qiimeeyo,waxaana wax qiimeeya machad,balse Ururka SODRA waxa wax qiimeeyey inanka lagu magacaabo Axmed-Shaqale oo isugu iska leh Ururkan,isla markaana masuuliyiinta xukuumadda lacag kaga soo uruursaday.Marka laga yimaado inankan wax qiimeeyey,waxa aad loola yaabay Wasiirada iyo masuuliyiinta xukuumadda ee lacagta ku bixiyey inay ahaayeen shakhsiyaadka ugu wax qabad-baddnaayeen, qiimeyntan uu sameeyey ururkani. Isla arkaana waxa la sheegay in qiimeynta uu sameeyey Ururka SODRA ahayd qaab-reereysan oo waxa uu shahaado sharafta gudoonsiiyey dad isku reer-kaliya ah,taasina waxay ka baxsanayd hanaanka iyo nidaamka wax lagu qiimeeyo.

Hadaba, Wargeyska Ogaal ayaa arrintaasi wax ka weydiiyey Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa waxa uu ku dooday in laga yaabo dad baddan oo aan u qalmin in halkaas lagu xuso, waxaanu yidhi, “Ururka SODRA ayaa qaban-qaabisay oo wax dawlada shaqo ku lahayd maaha. Anagu ha’yad ahaan ayaanu ula macaamilnaa oo inay xafiis leedahay iyo in kale waxa la waydiinayaa  ina-Shaqale, markaa waxa laga yaabaa in dad baddan oo aan u qalmin halkaas lagu xuso. Ha’yad sharciyaysan oo qof kaliya ku qoron yahay ma jiro.”

Dr. Sacad Cali Shire waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyay,“Anagu runtii sawir qabiilaysan oo reeraysan kamaanu arrag oo cid walba way joogtay, laakiin anagu waxaanu ajiibnay xaflad nalagu martiqaaday oo kaliya. Anaga waa nala martiqaaday ee maanu samayn qiimaynta oo in  naga mid ahna shahaado waa la siiyay, markaa ina-Shaqale waydiiya sida uu u sameeyay qiimaynta oo inuu xafiis leeyahay isaga ka waraysta.”

Xigasho Wargeyska Ogaal.