Wer Deg Deg Ah:Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Badhasaabada cusub Ee Togdheer iyo Salel

HARGEYSA (berbernews)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer u magacaabay Maxamed Muuse Diiriye, ka dib markii badhasaabkii hore ee gobolkaas Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje uu xilkaas iska casilay.

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday Badhasaabkii hore ee gobolka Salel Cabdilaahi Faarax Maydhane iyo Ku xigeenkiisii Cali Allaale Riyaale, waxaanu labadan xilba u magacaabay laba masuul oo cusub.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu yahay JSL/M/XERM/249-2249/012014, ku magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada Togdheer, Selel iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel, sidoo kalena waxa uu xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Selel iyo ku xigeenkiisii, halka gudoomiyihii hore gobolka Togdheer uu sheegay in uu isagu iska casilay xilkii gudoomiyenimo, Madaxweynuhuna uu buuxiyey xilkaasi.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tix-geliyey:Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin

Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

WUXUU GO’AANSADAY

1. In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Cabdi-risaaq Waaberi Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XIL-KA QAADIS

Mudaneyaal ,Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel. Xilalka Qaranka ayay dabcigooda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Selel) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel (Mudane, Cali Allaale Riyaale Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Selel).

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”