Gabadh Soomaaliyad ah iyo Ilaa 19-Kale ayaa Ku Dhintay Qarax ka dhacay kabul

Kabul (berberanews) Gabadh Soomaaliyeed oo ay walaalo ahaayeen Qoraa caan ah ayaa ka mid  ahayd labaataneeyo qof oo ku dhintay Qarax Bambaano oo ka dhacay Magaalada Kabul ee Caasimadda waddanka Afganistan.

images (8)

Basro Faarax oo ay walaalo ahaayeen Qoraaga caanka ah ee Nuradiin Faarax, ayaa ka shaqaynaysay Hay’ada UNICEf ee Qaramada Midoobay.

 

Qaraxa waxa kale oo ku dhintay ugu yaraan labaatan qof oo badankood ajnabi ah, oo ay ku jiraan laba British ah.

 Waxaa kale oo ku jiray madaxii IMF ee Aghanistan iyo shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay.

 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa si xoogan u cambaareeyay qaraxaasi.

 Dalka Afgaanistaan ayaa ayaa waxa ka dagaalama Kooxo Mayal adag oo ka mida Ururka Talibaan ee talada waddankaasi laga qaaday sanadkii 2003.

berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland