Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga, Kalsoonida uu ka haysto Silaanyo iyo hankiisa

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horreysay soo bandhigay cidda ka dambaysa khilaafka xisbigiisu ka socon la’yahay beryahan dambe iyo dariiqooyinka loo maro, sidoo kalena waxa uu caddeeyey kalsoonida uu ka haysto Madaxweynaha dalka, ahna odayga xisbiga.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in xubno ka mid ah xukuumadda oo aannu si gaar ah u carraraabin ay ka dambeeyaan kicinta dacaayado lagu abuurayo khilaafaad aan xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka jirin, isagoo xusay inay soo dhexmarayaan gacmo shisheeye oo doonaya inuu burburo xisbiga KULMIYE, kuwaas oo adeegsaday waraaqo foojari ah oo ay u geeyeen Madaxweynaha si ay ugu dacweeyaan isaga iyo hoggaanka xisbiga.

Muuse Biixi oo shir jaraa’id oo ay ku wehelinayeen xubnaha kale hoggaanka xisbiga KULMIYE ku qabtay xarunta xisbigiisa maanta, waxa kale oo uu ka hadlay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha, waxaannu sheegay inuu haysto kalsoonida Madaxweyne 100% (boqolkiiba boqol), isla markaana garab taagan yahay mar walba.

Ugu horreyn, Muuse Biixi oo ka hadlayey halka uu salka ku hayo khilaafka xisbigiisu iyo siday isku yihiin Madaxweyanah, waxa uu yidhi, “Waxa soo noqnoqday KULMIYE wuu is khilaafsan yahay, toddobadkana waad dhaafiseeno waxaad tidhaahdeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu way is khilaafsan yihiin oo xukuumaddii, xisbigii iyo madaxweynihiina way is haystaan.

Ma diidayno khilaafka, waa jiraan rag badan oo madaxda xisbiga oo golaha dhexe leh oo fulinta leh oo cabanaya oo annaga guddoomiye ahaan iga cabanaya, cabasho badan baa Madaxweynaha loo geeyey, waxa u geeyey rag xukuumadda ku jira, waxaannu u caddaynayna inaanay wali jirin nin xisbigaas ka mid ah oo intuu aniga gaar iigu keenay dacwad amma dood aanu ka wadahadalnay oo aanu isku diidnay, waxaan u caddaynaya in aannu qof xisbiga ka mid ah oo heer kasta leh oo guddoomiyaha  golaha dhexe cabasho u keenay oo aannu isku diidnay.

Maalmahan waxa la shubayey Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha is khilaafsan, waxaan idiin sheegaya inanaan is khilaafsanayn oo kalsoonidayadu 100% tahay, markhaatigeedana waan idiin sheegaya, hadal dibloomaasi ah maaha, hadal ku qaboojinana maaha, kalsooni baan idin siinaya, xisbiga dhexdiisa mar kasta oo aan tartan siyaasiya galay, mar kasta madaxweynuhu gacantiisu ii taagay, waanu igu raacay oo igu dhisay, 2008 markii aan u cararayey tartanka guddoomiye-ku-xigeenka tartankii ka dhacay Ambassador madaxweynuhu gacantuu ii taagay. Burco shirkii Golaha Dhexe in la igu wareejiyo xisbiga guddoonkiisa golaha dhexe markii gacanta loo tagaayey Madaxweynuhu gacantuu ii taagay, markuu xukuumadda qabtay isagoo saddex bilood dawlada hayn buu xilka igu wareejiyey, iminka markii buuqii KULMIYE dhacay, madaxweynuhu wuu ka badheedhay oo wuxuu yidhi ha loo daayo guddoomiyaha, tartankana aynu yarayno, dadka maanta igu leh amma rumaysan inuu madaxweynuhu aniga ila dagaalamayo amma wax xumaynaayo markhaatiyadeedu waa kaas, aniguna intaas in le’eg baan madaxweynaha u hayaa isaga iyo xilkiisaba, taasna waxaan ugu quus-gooynayaa khalkhalka soo galay xisbiga ee laga yaabo ilaa gacmo caalami ahi (shisheeye) KULMIYE in la dumisho ay u soo dhex marayaan iyo daacadaha jira oo khilaaf aan jirin la abuuro.”

Waxaan ogahay in dacwado badan oo anniga la iga cabanaya Madaxweynaha u tagaan, Madaxweynuhuna waa odayga xisbiga, waana odaygii qaranka oo odaynimo iyo taluu nagu leeyahay, waxaana Madaxweynaha loo geeyey in xubnaha wasiirrada ah eek u jira dawladda oo dhan aannu ka saarnay Golaha Dhexe ee xisbiga, waxa loo geeyey waraaq foojari ah, waannu iska aragnay, su’aal baannu waydiinay oo waxaannu isku nidhi yaa Golaha Dhexe ee xisbiga cid ka saari kara, ninka ah Wakiillada Barlamaanka ee la soo doortay amma dawladaha hoose ee la soo doortay yaa ka saari kara maxkamad goysa mooyaane, qofka golaha dhexe ee doorasho golaha dhexe ah ku yimi shirweyne xisbiga oo gacanta loo taagay sidee looga saari karaa? Wax la farofarayn karo maaha.

Arrintani waxay ka mid tahay masaa’ibka xisbiga la dhexwado ilaa heer waxa la gaadhsiiyey Madaxweynaha la yidhiaa adigaa golaha dhexe iyo fulinta lagaa saaraya, xeer iyo distoorka xisbiga ayaa sheegaya Madaxweynaha iyo nin kasta xisbiga guddoomiye ka ahaa inuu golaha fulinta ka mid yahay intuu nool yahay oo aanu doorashaba gelin, isaba waa kii u horreeyey oo dorashana ma galo ee mar walba guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga ayuu ka mid yahay, waa fidmo dalka laga abuuray,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Haseyeeshee, waxa uu tilmaamay in haddiiba ay timaado cabasho ama qalad ka dhaca hoggaana xisbiga aan lagu xallin kari buuq iyo qaylo, balse xalka keliya ee xisbigu ku kala baxayaa yahay distoorka u yaal iyo hay’adda ku shaqada leh.

“Taageerayaal badan oo xisbiga KULMIYE lex-jeclo ka hayso ayaa in badan i canaanta, waxaana la igu yidhaa xisbigii baryahan maad hadal, xisbigii wuu shiikhay, dawladdii way burburisay, xisbigii baa lagala wareegay, maxaad ka qabanaysaa meesha wax dhex oo wado qaado?

Mowqifka xisbigu qaatay ee aan qaatay baan idiin sheegaya waxaan qaatay oo xisbiga ku hoggaaminaya oo aan odaygiisa ku ahay in xisbiga KULMIYE kii cadhooday la ladqabeeyo, kii wax tabanayana la bogsiiyo, in madaxda xisbigu haddii laga gardarnaado ay dulqataan, in wixii ku yimaada ay dhulka dhigaan oo walaalo iyo maxa inaga xun ku wadno, dabadeedna qof walba annagoo is qancinay oo wada socona halkeeda gaadhno, mawqifka aanu qadanayna waa kaa,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay sababta dib-u-dhigtay qabashada shirweynaha xisbiga iyo waqtiga la qaban doono, waxaannu yidhi, “Waa dhab shirkayagu wuu daahay, mar hadduu shirweyne soo socdana in la isku buuqo oo khilaaf yimaado oo la murmo waa caadi, waliba Soomali baynu nahay oo cadifadaa cirka marta oo budhku waa caadi, xisbi kasta oo shir qabsanayaana sida uu uga baxo hawshiisa ayey guushiisu ku jirta.

Waxa soo noqnoqday xisbiga KULMIYE dhawr jeer baa shirkiisa dib loo dhigay, sababta iminka loo dhigayna iyo markii hore waa hawl qaran, mar walba waxa soo dhacda Madaxweynaha oo ah odaygii xisbiga oo xisbigan doortay oo aan la’aantii shirka la furayn, markii aanu diyaargarawnay 21 bishan in aannu qabsanno, shir aan hore noogu sii qorshaysnayn oo dan qaran ah ayey noqotay inaannu u hakino furitaanka shirka inta Madaxweynuhu soo noqonaayo, madaxweynaha arrintaa hore waannu uga wahadalnay, waxaannuna isla garanay in aan shirka la’aantaa la furi karayn, marka aad soo noqoto adigoo jooga in la furo, iminkana halkii uun bay taagan tahay, inta madaxweynuhu maqan yahayna hawlahayaga waannu u diyaargaroobayna, markay noo dhammaantana shirweynaha waanu qabanaynaa, taasaannu heshiis ku nahay.”

Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay in ay waqtigooda ku qabsoomi doonaan, wadahdalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo xaaladda Gobolka Geeska Afrika.