Madaxweynaha Soomaaliland Oo Safar Ugu Ambabaxay Wadanka Faransiiska

Hargaysa(berbernews)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta dalka ka dhoofay isaga oo u sii jeeda Dalka France halkaas oo uu madaxweynuhu u tegaayo hawlo shaqo oo uu la yeelan doono masuuliyiinta dalka France oo uu madaxweynuhu martiqaad rasmi ah ka helay isaga oo madaxweynuhu sheegay in uu uga sii gudbi doono dalka Ingiriiska oo uu madaxweynuhu hawlo shaqo iyo mid caafimaadba laga yaabo inuu u tegidoono isaga oo ku guda jira fasixiisa shaqo ee sanad laha ah.

m5

Waxaanu Yidhi Madaxweynuhu

“Wefti aan hogaaminayaa waxay u ambabaxayaan Dalka Faransiiska anagoo halkaa martiqaad ka helnay waxaa halkan ka baxayna aniga iyo wasiirka qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire Iyo Marwada Waxaa Nagu Soo Biiri Doona Wasiirka Arrimaha Dibeda Wasiirka Madaxtooyadda Iyo Wasiirka Ganacsiga Ayaa Nagu Soo Biiri Doona Dalka Faransiiska ayaanu u Tagi Doonaa Martiqaad Nalooga Fidiyey”

Madaxweynuhu Isagoo Ka Hadlaya Dhinacyada Ay Dawlada Faransiiska Iyo Somaliland ka Wada Shaqayn Doonaan Wuxuu Yidhi

“ Dalka Faransiisku Waa dal Weyn  Waa Dal Xidhiidh Naga Dhaxeeyo Waa Dal Aynu Doonayno Inaynu Sii Kordhino Wax Wada Qabadkeena Halka Uu Marayo inaynu Sii Kordhino Ama Xagdhaqaale ha noqoto ama xag nabadgelyo ha noqoto ama dhinacyadda kale Ee loo Baahan Yahay Na Noqotee Mar walba inaynu Siyaasadeena Fidino Oo Aynu Dunida La Xidhiidhno oo aynu kordhisano wada shaqaynta aynu la yeelanayno duuwalka waaweyn”

Madaxweynuhu Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Wuxuu sheegay.

“Markaa martiqaadkaasi waa mid aanu aad uugu faraxsanahay waa mid insha ALLAH Aanu rajaynayno in uu wax dhalo waxaanu sii joogi doonaa dalka itoobiya muddo yar oo gaaban Dabeedna waanu ka sii Gudbi Doonaa Waxaanu rajaynaynaa in uu shirkaasi noqdo shir lagu soo guuleysto Waxaa Dabeedna Laga Yaabaa In aan Dalka Ingiriiska uuga sii gudbo Oo Iyadana Muddo yar oo kooban oo fasax ah aanu ku qaadano oo xaga caafimaadkayga ah”

m8

Madaxweynaha Iyo Weftigiisa Waxaa Madaarka Ku Sii Sagootiyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland cabdiraxmaan saylici xubno ka mid ah wasiiradiisa iyo Masuuliyiin kala duwan

 

m8 m8 m7 m3 m5

 

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland