Budhcad-badeeda oo sanad kadib ku guuleystay inay afduubtaan markab ganacsi oo marayay Biyaha Badda Cas

Somalia-(Berbernews)-Masuuliyin dhanka badmareenada ayaa sheegay maanta oo Axad ah in koox budhcad-badeed Somalia ah ay afduubteen markab ganacsi oo maraayey badda cas, waxanay kooxdaasi ay markabka u jiheeyen dhanka Koonfureed

 

Mv-Marzooqah-900667

biyaha Somalia,waa markii ugu horeeysay oo ay burcad badeeda ku guulestaan afduub markab tan iyo sanadii 2012-kii.

 

Xoghayaha guud ee badmareenada Kenya Andrew Mwangura ayaa u sheegay wakaalada warar ka Reuters in koox burcad badeed Somalia ah ay afduubteen marakab ganacsi oo lagu magacaabo MV Marzooqah kaasi oo galinkii danbe maalinti sabtida bixiyay astaan ku aadan gurmad uu weydisanyo ciidamada NATO eek u sugan biyaha Somalia.

 

Andrew Mwangura ayaa yidhi “wxaan isku dayeeynaa inan si rasmi u ogaano halka rasmiga ah eel ala tagay markaabkaasi oo ay heeystaan burcad badeeda Somalia iyo inaan ogaano dalabkooda inta uu gaadhsiisan yahay”.

 

Andrew Mwangura oo fadhigisu yahay magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa shegay inuu rumaysan yahay in shaqaalaha saran markabka ay ka kala soo jeedan wadamada India,Masar iyo Syria,markabki ay saarnaayen ayaa waxa u dhacay ku dhawaad 8-kamdi ah burcad badeeda Somalia oo 5-kamid ah ay hubaysanaayen,markaabkaani ayaa xusid mudan uu weerar noocaani oo kala ah ka badbaaday sanadii 2011-kii.

 

Ciidamada la dagaalanka Burcad badeeda ayaa shegay in diyaradahooda qumaatiga u kaca ay wadaan baadi goobka markaabkaasi halka sida rasmiga loogu hayo.