Dhegayso: Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo khudbad u jeediyay Ciidammada Qaranka ee Jiida Gambadha

Sool-(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar nabadaynta Laba Beelood u tegay Gobolka Sool, oo soo afjaray, ayaa booqday fadhiisimadda ciidammadda Qaranka ee jiida Gambadha oo dhinaca Bari kaga beegan  Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Weftiga Wasiirka oo ay xubno ka yihiin Wasiirul dawleyaasha Waxbarashadda, Maaliyadda, Taliyaha Booliiska iyo Masuuliyiin kale  ayaa waxay warbixin ka dhegaysteen saraakiisha ciidammadda qaranka ee Jiida Gambadha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde , ayaa khudbad u jeediyay Ciidammada Qaranka Somaliland, waxaana warbixintan ka soo diray Weriye Weriye  Khadar Nuux Yoonis oo la socda Weftigan ka tirsan Idaacadda Radio Hargeysa.

Halkan ka dhegayso.

waran cadde