“Haddii Somaliland ka maarantay ciidanka fadhigiisu yahay Laasqoray waxay u shaqo tagi doonaan meeshii ay dan moodaa..”Taliye Tusbaxle

Laasqoray-(Berberanews) – Taliyaha ciidanka qaranka degmada Laasqoray Maxamed Saalax Tusbaxle oo dhawaan ciidankiisa la sheegay inay u galeen maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidankiisu aanay muddo lix bilood gaadhaysa mushahar iyo raashinkii Giraamka midna qaadan, kuna eedeeyay wasiirka gaashaandhigga inay gebi ahaanba ciidankaasi oo ku hubaysan gaadiid tikniko ah uu ruqseeyay wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami, isla markaana arrinkaasi wasiir ku xigeenka macdanta iyo taliyaha saldhiga 3aad ee bariga Sanaag ay ka masul yihin go’doominta ciidankiisa lagu sameeyay iyo sababaha ay fadhigoodii hore uga aag badasheen.

Taliye Tusbaxle ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay inay kala doorato mandaqada bariga Sanaag iyo wasiirka gaashaandhiga.

Taliye Maxamed Saalax Tusbaxle oo shalay galab Haatuf ugu waramay khadka Tilifoonka isagoo ku sugan deegaan u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Dhahar oo muddo afar maalmood gaadhaysa ciidankiisu ku sugnaayeen, ayaa sidoo kale sheegay in wixii imika ka dambeeya ay go’aan kama dambaysa ka qaadanayaan halka uu ciidankiisa u jihaynayo, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigoo ah taliyaha ciidanka qaranka ee saldhiga Laasqoray anagu Puntland umaanu galin, aniga iyo ciidankii iyo Tiknikada ahaaba waxaa nagu dhacday arrin go’doomin ah bishii 8aad ee sanadkii hore ayaa mushahar iyo raashinkii garaamka ugu dambaysay, anagu Somaliland kamaanu tagin, balse waxaa nala tusay waxaanu ku tango.

 

Waxa kale oo dhacday in wasaarada gaashaandhiggu ay ruqsaysay dhamaan ciidanka, waxaana muuqata in masuuliyiinta xukuumada ee ka soo jeeda bariga Sanaag gaar ahaan wasiirka gaashaandhigga iyo wasiir ku xigeenka macdantu ay doonayaan inaan Somaliland dhaafin Ceerigaabo oo aanay gaadhin bariga Sanaag”

Mr Tusbaxle oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray “Wixii imika ka dambeeya haddii Somaliland ay ka maarantay ciidanka fadhigiisu yahay Laasqoray waxay u shaqo tagi doonaan meeshii ay dan moodaan. Sidaa darteed Somaliland ha kala doorato wasiirka gaashaandhigga iyo mandaqada bariga Sanaag”.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com