Heshiis ay hore u jebisay Dawladda Somalia oo lagu daray Fulintiisa Qodobada ka soo baxay Shirka Turkiga

Istanbul-(Berberanews)-Wada-hadallada Wareeggii shannaad ee Somaliland iyo Somalia uga socday dalka Turkiga ayaa laga soo saaray qodobo aan sidaas u buurnayn. Marka laga reebo qodob ka mid ahaa heshiiskii hore loogu gaadhay Wadahadalkii 9/July 2013. Kaasoo dhigayay in muddo 45 cisho gudahood lagu dhiso Guddiga maamulka socdaalka hawada (Air Traffic Control Board),balse ay dawladda Somalia si caduga baxday.

Shirka labada dhinac oo maalmihii u dambeeyay ka socday Dalka Turkiga oo u muuqdamid labada dhinac ku kala fogaadeen, ayaa waxa soo baxay sagaal qodobo u badan in kulammo dambe laysugu yimaado.

 

Heshiiska qodobadan qodob oo ay saxeexeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sagaalka Qodob ee ay Wefdiyada Somaliland iyo Soomaaliya isku raaceen ayaa u dhignaa sidan

Sagaalka Qodob ee ay Wefdiyada Somaliland iyo Soomaaliya isku raaceen ayaa u dhignaa sidan

1.    Labada dhinac waxa ay sii wadi doonaan wada-hadalka ku salaysan goaannadii la isku raacay iyo waxyaabihii ku jiray heshiisyadii hore oo dan u ah labada dhinacba

2.    2. Labada dhinac waxa ay wada-xaajoodka u gelayaan iyada oo ka go’an tahay in la helo xallinta qodobbada la gorfeynayo si loo helo natiijooyin ay labada dhinacba ku qanacsan yihiin.

3.    Labada dhinac waxa ay isku raaceen inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa iyo heshiiyada kale.

4.    Labada dhinac waxa ay fududaynayaan, si wadajir ahna u qeexayaan dhinacyada la iska kaashan karo ee ay labada dhinacba u baahan yihiin

5.     Labada dhinac waxa si adag uga go’an in xallinta farqiyada iyada oo si gaar ah loogu marayo hab ku salaysan nabadgelyo iyo wada-hada

6.    Labada dhinac iyo Dawladda Turkigu waxa ay isku raaceen in wargelin kooban la siiyo bulshada caalamka.

7.    Iyada oo la tixraacayo wada-hadalkii labada dhinac ku dhex maray Istanbul oo Turkiga ah, markii taariikhdu ahayd 7-9/July 2013ka, waxa ay isku raaceen inay muddo shan iyo afartan cisho ah ku dhisaan Guddiga maamulka socdaalka hawada (Air Traffic Control Board)

8.    Labada dhinac waxa ay isku raaceen inay dhisaan guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood (dhinac kastaaba laba ayuu keenayaa). Labada guddi farsamo-na waxa kormeeraya labada wasiir ee u xilsaaran

9.    Waxa aynu wadaagaynaa xanuunka iyo dhibta ay dadka Soomaalida ah u geysteen keli-teliskii milatarigu guud ahaan Soomaalida, gaar ahaanna dadka Somaliland

 

Berberanews.com

info@berberanews.com