Madaxweyne Lagu calleemo-saarayo Magaalo Bandoo saarantahay

Kismaayo-(Berberanews)-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Somalia ee Jubba land Sheekh Axmed Madoobe, ayaa maalinta berri ah lagu caleemo saarayaa magaalada Kismaayo ee Jubadda Hoose oo lagu soo rogay bandoo laba maalmood ah.

Iyadoo laga cabsi qabo xaaladda ammaan darro oo soo waajahda xafladda calleemo-saarka Madaxweynaha waxa gebi ahaanbabandoo laba maalmood ah oo lagu soo rogay Magaalada Kismaayo.

Axmed-Madoobe1

Gebi ahaan waxaa albaabada loo laabay ganacsiga magaalada, isu socodka gaadiidka ee qaybaha kala duwan ee magaalada, iyadoo dariiqyada magaalada la soo dhoobay ciidammo tiro badan.

Madaxweynaha Jubba land Sheekh Axmed Madoobe, ayaa ah nin doonaya inuu madaxweyne u noqdo magaalo aanu kalsooni ku qabin.

 

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Somalia, ayaa ku sii qulqulaya Kismaayo oo ay kaga qaybgelayaan caleemo-saarka Madaxweynaha,iyadoo uu maanta gaadhay Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Cali Maxamed Geeddi.

Berberanews.com

info@berberanews.com