Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland oo rajo xummo ka muujiyay wadahadalka Turkigu ka odayaynayo-Dhegayso

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweyneku-xigeenkii Hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa  naqdiyay dhexdhexaadinta dawladda Turkigu isku soo hor fadhiisisay Somaliland iyo Dawladda Somalia oo muddooyinkii u dambeeyay kulanno is-daba jooga ku lahaa dalka Turkiga.

Md Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay saaka magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaanay dawladda Turkigu aqoon xeel dheer u lahayn midnimmadii Somalilandiyo Somalia, sidaa daraadeedn a ay adagtahay inay xal ay ka gaadho wada hadalka labada dhinac, waxaannu ku taliyay in wada hadalka Somaliland iyo Somali, ay ka soo qaybgalaan dalalkii Maxmiyadaha ahaa ee guumaysan jiray labada dhinac, shirna loogu qabto Africa gudaheeda.ahmed-yusuf-yaasiin

Halkan ka dhegayso Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka xog waramaya qaabkii labada dal u midoobeen iyo sida lagu kala bixi karomaanta.