Soo Saarihii Barnaanijka “Focus On Africa” Ee Telefiishanka BBC-da Oo Geeriyooday

London (berbernews) – Wariye Komla Dumor oo ka mid ahaa Wariyayaasha Telefiishanka BBC-da, ayaa si kedis ah u geeriyooday maanta oo Sabti ah.

images (9)

Wariyaha ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalay Magaalada London, ka dib markuu ku dhacay wadno xanuun.

 Wuxuu ahaa 41 jir, waxaanu BBC-da ku biiray sanadkii 2007-da, ka dib markii uu in ka badan toban sano ka shaqaynayay radio ku yaalay waddankiisa Ghana.

 Wuxuu dhawaan sheegayay ama soo saare ka ahaa barnaamijka Focus on Africa ee telefishinka ka baxa shanta maalmood.

 Tafaftiraha Wararka caalamka ee BBC, Andrew Whitehead, ayaa sheegay in geerida Komla ay shaqaalaha ku reebtay naxdin iyo murugo.

 Wuxuu ku tilmaamay Wariye Komla inuu ahaa nin shaqadiisa ku fiican oo dhagaystayaashiisa ay jecel yihiin, oo ahaa qof fiican oo farxad leh.

berberanews-Desk

London/UK