Ciidammada Badda Eritrea oo sii daayay markab ku soo socday Badda Berbera oo loo qaatay inay Budhcad-badeed afduubtay

Berbera-(Berberanews)-Ciidammada Ilaalada Xeebaha Ertria , ayaa sii daayay Markab lagu magacaabo MV Marzooqahoo ku soo jeeday Dekedda Berbera, kaasoo loo qaatay markii hore inay afduubeen kooxo budhcad-badeed Soomaaliyeed.

Wakiilka Markabkan, Yuusuf Cali Nuur oo ku sugan magaalada Berbera, ayaa shebekadda Berberanews u xaqiijiyay inaanay jirin budhcad-badeed afduubtay markabkaas, balse uu ku dhawaaday biyaha Badda Ertrea oo ciidammada dalkaasi halkaas ku qabteen.

“Lama haysanwuxuu ku dhawaaday xadkooda, way uyimaadeen waannu la hadli waayeen,laakiin markii dambe way soodaayeen maanta, mana jirto budhcad-badeed afduubtay,”sidaa waxa yidhi Yuusuf Cali Nuur.

Sidoo kale,Maamulka Dekedda Berbera oo aanu wax ka weydiinay markabkan, ayaa xaqiijiyay inaan afduub loo qabsan, haatana la sii daayay oo uu ku soo jeedo Dekedda Berbera oo uu xoolo ka qaadayo.

Dhanka kale, Af-hayeen u hadashay Ciidammada Badda ee ka socda Midowga Yurub ee howlgalka la-dagaalanka Budhcad-badeedka u jooga Soomaaliya, taasoo lagu magacaabo Jacqueline Sherriff, ayaa sheegtay in Markabka ay qabteen Ciidammada Eritrea, balse aanu jirin weerar uga yimid dhanka shufto-badeedka.

“Waxan caddeynaynaa in howlgalkaas ay fuliyeen Ciidammada Eritrea oo Markabka qabtay.” Jacqueline Sherriff ayaa tidhi; waxaanay intaa sii raacisay Afhayeenku oo ay tidhi; “Waxan filaynaa in xilligan uu Markabku ku jiro gacanta Ciidammada Eritrea…Shaqaalaha oo mooday in lasoo weeraray ayaa hore warkaas u soo gudbiyey…”

Weerarrada Budhcad-badeedka Soomaalida oo heerkii ugu sarreeyey gaadhay sannadkii 2011, markaasoo ay qaadeen 176 weerar, ayaa si aad ah hoos ugu dhacay sannadkii tegey 2013. Inta la xaqiijiyey 7 weerar oo keliya ayey Budhcad-badeedku qaadeen iyagoo aan ku guuleysan in ay hal Markabna si buuxda gacanta ugu dhigaan.

Berberanews.com


arial,helvetica,sans-serif;”>info@berberanews.com