“Dadkani waa dad ka xun horumarka iyo barnaamijyada aanu Telefiishanka aan ka wado.” Wariye Sagal Mustafe

Muqdisho(Berberanews):- Weriye Sagal Mustafe Xasan Nuur oo ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Xafiiska Hargeysa ee Telefeshinka Universal, ayaa sheegtay inaanu waxba ka jirin war ay been-abuur ku tilmaantay oo laga baahiyey.

sagal

Wararka ay Shabakadaha Wararka qaarkood ka baahiyeen Weriye Sagal Mustafe, ayaa lagu sheegay in lagu afduubay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo ay booqasho shaqo ku joogtay maalmihii ugu dambeeyey, isla markaana faro-xumayn loo geystay, hase-yeeshee, waxay arrintaa ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been-abuur ah. Waxaanay ku doodday inaanay jirin wax dhibaato ah oo loogu geystay Muqdisho oo ay hadda ku sugan tahay.

Weriye Sagal Mustafe Xasan Nuur, oo ka mid ah Hawl-wadeennada Telefiishanka Universal ee Somaliland, isla markaana maalmihii u dambeeyay shaqo u joogtay Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaantay warar anshax-xumo ah oo ay ka baahiyeen Mareegaha Internet-ka ee Af-Soomaaliga wax ku qora qaarkood.


Read More..