Gudoomiye Cirro oo Sheegay In Heshiiska Somaliland iyo Somalia La Horkeeni Doono Golaha Wakiilada Kana Gaabsaday In uu Qaadaco

Hargeysa (berbernews):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo aywarbaahintu wax ka waydiisa Wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya ugu soo dhamaaday Dalka Turkiga oo uu hore xisbigiisu uqaadacay ka dib markii laga qayb galin waayey intii an shirka la tagin in lagala tashado agendaha shirkaasi, hadaba markii uu shirku dhamaaday laguna soo heshiiyey qodoba door ah ayuu gudoomiyuhu ka gaabsaday inuu qaadaco isagoo xusay in la horkeeni doono Mudane yaasha Golaha wakiilada si ay u naaqishaan.

ciro-300x300

Gudoomayaha ayaa sidaasi ku sheegay mar uu maanta kula hadlay warbaahinta xarunta Baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in maal maha soo socda ay mudanayaasha goluhu dib u eegi doonaan Qodobada heshiiskaasi ka soo baxay ee ay labada wadan ee Somaliland iyo Somaliya ku heshiiyeen hase yeeshee waxa si buuxda u qaadacay Xisbiga ucid iyadoo aanay wali dalka ku soo laaban waftigii Somaliland uga qayb galay.

 berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland