Wasiir Xukuumada S-land Ka Tirsan Oo Hadlay Heshiish Hore Loo Baahiyey

Paris (berberanews) :– Wasiirka Ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in aanay ilaa hadda heshiis rasmiya kala saxeexan shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia, balse ay wadahadallo u bilaabeen Imaaraadka Sharqiya qaybteeda duulista, oo uu sheegay inay leeyihiin shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia.

images (8)

 Wasiirka oo maanta u waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, ayaa caddeeyay in wadahadalka u bilaabmay Somaliland iyo waaxda duulista ee Imaaraadda Sharqia uu yahay mid dhankooda ka yimid, sababta isaga iyo Wasiirka duulistu Imaaraadka u tageenna ay ahayd codsi uga yimid madaxda duulista ee Imaaraadda Sharqia.

 

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Arrintaa waxaan doonayaa inaan Caddeeyo, waanan ogahay in warar khaldan laga bixiyey, ilaa hadda ma jiro heshiis laba geesood ah oo la saxeexay, wakhti-baanay qaadanaysaa, hase yeeshee Somaliland iyo Imaaradda la yidhaahdo Sharqiya qaybteeda duulista ee loo yaqaano “Sharqia Aviation Services” oo leh diyaaradda Air Arabia, waxa na dhex maray wadahal bilow ah, iyagaana codsaday oo Hargeysa noogu yimid, arrintana nagala hadlay inay danaynayaan, dabadeedna anniga iyo wasiirka duulista ayaa u tagnay, wadahadalkaasina wuxuu dhex maray Somaliland iyo Imaaradda sharqia, waana bilow wadahalladaasi, walina ma jiro hindise faahfaahsan oo ay noo soo gudbiyeen”