Xogo iftiimiyey in dalal Carab ah ku guulaysteen in saacadihii u dambeeyey liiska golaha wasiirrada Soomaaliya laga saaro mawro Foosiya

Muqdisho (Berberanews)-Xogo kala duwan oo laga helay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, ayaa iftiimiyey in dalal Carab ah ku guulaysteen in saacadihii u dambeeyey liiska golaha wasiirrada Soomaaliya laga saaro mawro Foosiya Xaaji Yuusuf Aadan oo ahayd Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Sida lagu baahiyey shabakadda dayniile.com. Madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa la sheegay inay isku raaceen in Foosiyo lagu daro xukuumadda cusub, loona daayo jagada ay heyso, hase ahaatee sababo aan wax badan laga ogeyn awgood ayaa markii dambe loo beddelay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madax ka tirsan dawladaha Carabtu ku cadaadiyeen madaxda dawladda Somalia iney qof rag ah u magacaabaan xilka wasaaradda arrimaha dibedda Somalia.

Maadaama Wasaaradda Khaarajigu qaabilsan tahay xidhiidhka caalamka iyo ka qeybgalka shirarka, ayaa la sheegay in dalalka Carabtu marar badan ka codsadeen madaxda xukuumadda Soomaaliya in xilkaas loo dhiibo rag, dumarkana laga daayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay ka mid ahayd xubnaha ugu firfircoon xukuumaddii hore ee Ra’iisal-wasaare Saacid, iyadoo wax badan ka qabatay soo nooleynta xidhiidhka Somalia iyo dalalka caalamka qaarkood.