Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo ka qaaday in aakhirka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku dhammaan doono afti laga qaado dadweynaha

Muqdisho-(Berberanews)-Madaxtooyada dawladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay halka ay ku dambayn karto natiijada wadahadallada u socda dawladooda iyo Somaliland iyo aragtida ay ka qabaan afti dadweynaha lagu waydiiyo madaxnannaadida Jamhuuriyadda Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa shaaca ka qaaday in aakhirka wadahadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya ay ku dhammaan doonaan afti laga qaado dadweynaha oo aannu xal kale jirin.Yariisow

Eng. Yariisow waxa uu sheegay in sii socoshada wadahadalku yahay sidii loo soo celin lahaa kalsooni, balse ay adag tahay in madaxda labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland midkoodna go’aan buuxa ku gaadho, “Labada dhinacba waad dareemi kartaa oo Siilaanyo kuma dhiirranayo inuu yidhaa annagu Soomaaliya waxaannu ula hadlaynaa in aannu la midowno, dawladda federaalkuna ma odhan karto waxaannu ula hadlaynaa in aannu aqoonsi siinno, markaa sidee xa loo gaadhi karaa? Ugu yaraan wadahadalladu waxay keenayaan in dadka labada dhinac fahmaan waar waxani waa wax labada dhinac ka wada dhexeeya oo u baahan in xal la gaadho oo hadhow xalka way sahlaysaa, waayo marbaaba jirtay aanay macquul ahayn in madaxweyne Somaliland ah ku dhiirrado inuu la hadlo amma miis la fadhiisto (Soomaaliya). Mar baa jirtay madaxweynayaasha dhankan dawladda dhexe ay mar walba odhan jireen midnimadu waa muqadas oo lagama wadahadli karo,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya oo waraysi cod ah oo laga qaaday lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha Soomaalida.

Mar la waydiiyey in xukuumaddoodu ku dhiirran karto afti dadweynaha laga qaado shacabka Somaliland iyo in kale, waxa uu ku jawaabay, “Haa, waa qasab way imanaysaa aftidu, ugu dambaynta sida wadahadalka loo wado waxa imanaysa afti la qaado sida adduunku yahay oo shacabku wax kala go’aamiyo.”

Dhinaca kale, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu ammaanay heerka horumarka Somaliland gaadhay, isagoo hannaanka dimuqraadiyaddeeda ku tilmaamay wax aan caadi ahayn.

“Somaliland dhanka nabadda, dhanka dimoqraadiyadda oo ah xisbi xisbi kale ku wareejinaya talada. Runtii waa shaqo aan caadi ahayn oo meeshaasi ka dhacday. Marka la leeyahay Soomaalidu way wada xun tahay maaha, way jiraan dad fiican, laakiin iyaguna cillad kale ayey leeyihiin oo waxa la rabay inay Putland iyo Sool iyo Sanaag ay adaal badan geliyaan, halka caalamka laga geliyey dadaal badan, 20-kaa sanno haddii ay dadaalka gudaha gelin lahaayeen maanta heerka ay joogaan mid ka fiican ayey joogi lahaayeen Somaliland,” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa Eng. Yariisow.

Berberanews.com

info@berberanews.com