Falanqaynta Erayga loo Adeegsaday Qodobka ugu Culus Heshiiska Somaliland iyo Soomaaliya-Jamhuuriya

Hargeysa(Berberanews)-Heshiiska Somaliland iyo Soomaaliya ku kala saxeexdeen wejigii shannaad ee wadahadalka ka qabsoomay dalka Turkiga, ayaa bulshada reer Somaliland ka bixiyeen aragtiyo kala duwan oo naqdi iyo soo dhawaynba leh.

Heshiiska ay labada wefti ee Somaliland iyo Soomaaliya kala saxeexdeen Axaddii toddobaadkan oo ka kooban 9 qodob, ayaa qodobka ugu miisaanka culus oo ah ka 9aad waxa uu ku saabsan xasuuqii dawladdii Siyaad Barre ee Soomaaliya u geysatay shacabka Soomaalida, gaar ahaan kuwa Somaliland waxa siyaasiyiinta, dadweynaha iyo warbaahintuba u falanqeeyeen siyaabo kala duwan oo qaarkood u arkeen in qodobkaasi dan u yahay Somaliland, halka kuwo kalena ku tilmaameen inuu liddi ku yahay qarannimada Somaliland iyo xuquuqda shacabka.

Qodobkan lagu kala aragti duwan yahay oo marka luqadda Soomaaliga loo turjumo u dhigan; “Waxa aannu wadaagaynnaa (Somaliland iyo Soomaaliya) xannuunka iyo dhibka taliskii millatari ee Maxamed Siyaad Barre kula kacay shacabka Soomaaliyeed wixii ka horreeyey sannadkii 1991-kii. Waxaannu cambaaraynaynaa dhammaanba xasuuqii taliskaasi kula kacay guud ahaanba dadka Soomaaliya, gaar ahaan dadweynaha reer Somaliland,” isla markaana luqadda Ingiriisiga ugu qornaa sidan, “We share the pain inflicted upon the Somali people by the military regime in Somalia before the year 1991. We condemn all the atrocities committed by that regime throughout all Somali people particularly the people in Somaliland,” waxa murankiisa ugu badan ka dhashay erayga ku jira (atrocity) ee loo isticmaalay xasuuqii dawladdii Siyaad Barre u geysatay dadka reer Somaliland, kaasoo dad badani ku doodayaan in aannu gaadhsiisnayn heerka xusuuqii iyo dhibaatadii lagula kacay bulshada Somaliland.

Sidaa darteed, wargeyska Jamhuuriya waxa uu halkan ku soo bandhigayaa falanqayn ku saabsan baadhitaan uu ku sameeyey macnaha eraygan, awoodda dhibaatada loo adeegsan karo, heerka uu kaga jiro qawaaniinta amma shuruucda caalamiga ah iyo qaababka Qarammada Midoobay iyo dalal kale oo adduunka ka mid ah u adeegsadeen.

Macnaha iyo asalka erayga Atrocity:

Ereyga (Atrocity) oo inkastoo aannu jirin eray afka Soomaaliga ah oo loogu yeedho, laakiin macno ahaan noqonaya dil axmaqnimo iyo cadownimo, waxa uu ahaa asal ahaan ka yimi  kelmad millateriga aad loogu isticmaalo oo la yidhaa Attrition oo macne ahaan ah dambiyada ka dhex dhasha kooxaha dablayda ah iyo ciidammada millateriga ee dagaal ku wada jira, gaar ahaan dambiyadda ay ka mid ka yihiin dilalka baahsan, jidh-dilka, nolosha oo dadka lagu gubo amma maxaabiis la laayo sida ay sheegayaan shuruucda caalamiga ah ee lagu maamulo meelaha colaaduhu ka jiraan.

Ereyga Atrocity markaynu dul istaago macnahiisa dhabta ah ee qaabka qaamuska luuqadda Ingiriisiga, waxa uu ku qeexayaa in uu yahay sidan; ‘Ficil amma dhaqan arxan-darro ah oo awood xad-dhaaf ah la isticmaalay, gaar ahaanna loo isticmaalay maxaabiis iyo dadwayne xilliga lagu gudo jiro dagaallada.’

Shuruucda caalamka iyo erayga Atrocity:

Eraygani waa mid ku cusub qawaanniinta caalamiga ah, waana mid aad u baaxad ballaadhan oo siyaasiyan habab kala duwan loo qeexo, kana miisaan culus erayga xasuuq (Genocide), sababtoo ah khubarada xeerarka caalamiga ah macneeyaa waxay ku doodaan inuu dambiyada bani’aadamka ka dhanka ah oo dhan soo hoos geli karaan (atrocity law) wax la yidhaa.

Eraygan markii u horreysay waxa si cad loogu arkay mabda’a la yidhaa R2P oo ka mid ah dukumantiyadii Qarammada Midoobay soo saareen kulan ay yeesheen sannadkii 2005-kii oo lagaga hadlayey waajibaadka ilaalinta bulshada caalamka, gaar ahaan ka hortaga dambiyada ka dhanka ah shacabka. Mabda’an Qarammada Midoobay dejisay wuxuu tilmaamayaa in dal kasta ay waajib ku tahay inuu bulshadiisa ka ilaaliyo dambiyada xasuuqyada baahsan ah (Mass Atrocity).

Haseyeeshee, ilaa hadda dood ayaa ka taagan eraygan (Atrocity) iyo erayga kala ee loo isticmaalo xasuuq (Genocide) markay timaado kala duwanaanshahooda, sababtoo ah si cad looma kala saarin sharci ahaan. Erayga xasuuq (Genocide) waxa uu si cad u sheegayaa dad lagu xasuuqay isir-nacayb, siyaasad, aaminaad ama diin ama kala fogaansho aragtiyeed, halka erayga cadowtinimo (atrocity) aannu qeexayn sababta xasuuq dad loogu gaystay, balse si macno ballaadhan ah ayuu u sheegayaa dil ama tirtirid aan kala-reebid lahayn dad iyo duunyaba.

Adeegsiga Eraygan ee Qarammada Midoobay iyo dad caalamka ka mid ah:

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr. Ban ki Mon waxa ay bishii July sannadkii 2011 kulan isugu yimaaddeen wasiirrada arrimaha dibada ee waddamada xubnaha ka ah khubad uu ka jeediyey ku isticmaalay ereygan (Atrocity) mar uu ka hadlayey dagaalkii u dhexeeyey Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Sidoo kale, baadhitaan Qarammada Midoobay ku samaysay dhacdo fool xumayd oo ciidammada dawladda Suuriya ay suntan loo yaqaan Sarin u adeegsadeen dagaal dhexmaray ciidammada mucaaradka ka soo horjeeda bishii May 2013 kadib dagaal culus uu ku dhexmaray magaalooyinka Al-Bayda iyo Baniyas, halkaasi oo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 260 qof oo shacab ah. Waxa guddigii xaqiiqo-raadinta ee loo diray warbixintii baadhitaankooda u isticmaaleen erayga (Atrocity), iyagoo ku sifeeyey inuu halkaasi ka dhacay xasuuq ka baxsan bini’aadanimada (Mass Atrocity against Humanity) oo loo adeegsaday suntan Sarin oo ka mid ah hubka kimikada ah ee haysashadiisu dunida ka mamnuuc tahay.

Dhinaca kale, Dawlada Koonfurta Kuuriya markay dhaleecaynaysay xasuuq loo yaqaan No Gun Ri Massacre oo dhacay July 26–29 sannadkii 1950, kaas oo in ka badan 500 qof oo rayid ah ay maalin gudaheed guuto ka tirsan ciidanka Maraykanku qudha ka jareen, waxay u isticmaashay ereyga Atrocity.

Geesta kale, Kormeeraha Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka (ICC) Alex Whiting mar uu ka hadlayey xuduudaha sharci ee maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, waxa uu u adeegsaday dambiyada bini’aadanimada ka dhanka ah weedhan uu ku jiro erayga aynu ka hadlaynaa, (Mass Atrocity against Humanity) oo macnaheedu yahay dambiyada iyo xasuuqa arxan-darradda ah ee laga galo aadamaha.

Sources, jamhuuriya