Guddoomiyihii Komishinka Maamul Wanaagga Oo Qalliin Lagu Sameeyay Lagaga Badalay Beerka

Oslo (berberanews) Guddoomiyaha Komiishanka Maamul Wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Somaliland, Axmed Muxumed Madar, ayaa xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, ka dib markii lagu sameeyay qaliin culus.

Axmed-madar

 Guddoomiye Axmed Muxumed Madar, ayaa galay Cisbitaal ku yaala Magaalada Oslo ee dalka Norway, waxaana lagu sameeyay qaliin culus oo lagaga bedalay beerkiisii oo waxba laga qaban kari waayay.

Axmed Muxumed Madar, oo hadda xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay isla-markaana lugihiisa ku socda, inkasta oo aanu wali ka bixin cisbitaalka, ayaa ka waramay xaaladdiisa caafimaad iyo qaliinka lagu sameeyay, waxaanu yidhi “Dalka Norway waxaan u imid xaalad caafimaad, xaaladdeyda caafimaadna may ahayn mid si kedis ah u dhalatay ee waxay ahayd mid mudaba I haysay, laakiin aan ka shaqeyn karayey, oo aan muddo 15 sano ah la noolaa”

Guddoomiye Madar, oo sharaxaya qaliinka uu galay ayaa yidhi “Markaa waxaan 8-dii bishan January qaliin ku galay Magaalada Oslo, waxaana la go’aansaday in beerka la ii bedalo, markii kaygii waxba laga qaban kari wayay, ILAAHAY mahadi haka gaadhee qaliinkaa waa lagu guuleystay, guushaana waxa kow ka ahayd markii la helay beer aan qaadan karayo”

Xigasho: Togaherer.com