Gaalkacyo (berberanews):- Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay todoba qof oo kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan qarax maanta ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee Xarunta gobolka Mudug,ka dib markii la qarxiyay miino nooca rimuudka lagu hago ah oo lagu aasay meel suuq ah.
Shan qof ayaa ku dhimatay, toddobo kalena way ku dhaawacantay qarax nooca rumuutka laga hago ah oo maanta ka dhacay agagaarka xarun caafimaad oo ku taalla Gaalkacyo ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka goobta Qaraxu ka dhacay.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac, ayaa cambaareeyay falka, wuxuuna ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay inay baadhayaan ciddii ka dambeysay qaraxa, isagoo ka tacsiyeeyay ehelada dadka geeriyooday, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.
berberanews-Desk
Gaalkacayo/Somaliland