Ciidamada Dawlada Ethopia oo maanta Si Rasmiya ugu Biiray Howgalada Amisom ay ka wadaan Gudaha Somaaliya

Somalia (berberanews) War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Ethiopia ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay ciidamada Ethiopia si rasmi ah ugu biirtay howlgalka ciidamada AMISOM ka wadaan gudaha Soomaaliya.

images (6)

Warkaan oo maanta warbaahinta dalka Ethiopia lagu qoray ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada xukuumadda Addis-Ababa ay maanta waxa ka dambeeya ka mid yihiin ciidamada AMISOM ee Soomaaliya kula dagaalama Xarakadda Al-Shabab.

Warkaan waxaa lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay la shaqeyn doonaan ciidamada Uganda iyo Burundi ee ka hawlgalaya gobolada Shabeelooyinka iyo Bay halkaasoo ay kula dagaalami doonaan ciidamada Al-Shabab u dagaalama.

“Ciidamadeena maanta wixii ka dambeeya waxay ku shaqaynayaan sharciyada ciidamada AMISOM oo ay maanta si rasmi ah ugu biireen” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka dawlada Ethiopia ka soo baxay waxaana uu intaa warku ku darayaa in dawladu ay hadda si hor dhac ah howlgalkaan ugu biiraysay 2,000 oo askari.

Warkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in dawlada Ethiopia ay xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab xaduudaheedana adkaysan doonto.

Ciidamada Ethiopia oo gobolada Soomaaliya qaarkood joogay ayagoon aan ka tirsanayn howlka AMISOM la yiraahdo ayaa waxaa soo soo dhaweeyay ururka Midawga Africa xafiiska arrimaha Soomaaliya u qaabilsan.

Howlgalka AMISOM oo Soomaaliya ka bilowday sanadkii 2007 ayaa hadda waxaa ku jira  ciidamada 6 wadan oo African ah kuwaasoo dawlada Soomaaliya ku gacan siiya dagaalka ay Shabab kula jirto.

 

berbernews-Desk

Somalia