Golaha Wasiirada Cusub Ee Soomaaliya Oo Maanta La Dhaariyay

Muqdisho (berbernews) Gudoomiyaha maxakamda Sare Ee Dowlada fadaraalka somaliya AYaa Maanta Si Rasmiya U dhaariyeyGolaha Wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaarah C/wali Sheekh Axmed Maxame-Ceydiid C/laahi Ilka-Xanaf Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka ayaa maanta Xildhibaanada Baarlamaanka hortooda waxuu ku dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub uu soo magacaabay

IMG_4760

Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyadoona kulanka Baarlamaanka uu ahaa kulankii uga dambeeyay eek ala fadhiga 3 aad ee Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo isna ka hadlay madasha kulanka wuxuu soo hadal qaaday wax qabadka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya sanadii 2013-kii.

IMG_4757

Maxamed Sheekh Cismaan Jawari Gudoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxuu ku nuuxnuuxsady in Baarlamaanka caqabado badan uu la kulamay sanadii la soo dhaafay islamarkaana Xildhibaano ak tirsan baarlamaanka in ay nafsadooda ku wayeen Xaalada adak ee Dalka ka jirta.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna Khudbad dheer ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa uu Baarlamaanka ugu mahadceliyay Shaqada ay u hayaan bulshada isagoona ku dhawaaqay in uu xiran yahay kala fadhiga 3 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

IMG_4760

Sikastaba Caawa ayaa la filiyaa in Xalfad lagu soo xidhay kala fadhiga 3aad ee Baarlamaanka islamarkaana ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa ee Dalka, Golaha Wasiirada Cusub iyo Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ka dhacdo Xarunta Villa Hargeysa oo dhawaan Xariga ka jaray Madaxweynaha Soomaaliya.