Sansaan Colaadeed Oo Ka Taagan Banka Qoryaale Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Aan Weli Ka Hadal

Hargeysa (berbernews) Waxa maalmihii ugu dambeeyay khilaaf xooggani ka aloosan yahay Banka Qoryaale oo ah dhul-daaqsmimeed hoos-yimaadda Degmada Cadaadley Oo Ka Tirsan Gobolka Maroodijeex. Sida ay wararku ku soo gaadhayaan Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista oo arrinkan u kuurgalay waxa taagan xaalad sababi karta colaad oo u dhexaysa Beelaha Qaasin Isaxaaq iyo Cabdalle Isaxaaq ee bariga Hargeysa.

download (6)

Wararka na soo gaadhaya ayaa waxa ay sheegayaan in ay xaaladdu gaadhay heer la samaysto ciidan beeleed u diyaar ah dagaal dhiig ku daato. “Waxa la i weydiiyay meel laga iibsan karo rasaas gaadhaysa 500 xabbo oo lagu dagaallamo, oo dadka deegaanka ku sugan ayaa isu hub urursanaya” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah arrintan oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo. Dhinaca kale waxa maalmahan deegaankaas gaadhay madax-dhaqameed iyo salaaddiin ka soo jeeda labada dhinac, laakiin waa lagu kala kacay kulan waanwaan ah. Waxaana la sheegayaa in lagu kala dhaqaaqay hanjabaad iyo hadallo horseed u noqon kara mushkilad ka badan inta maanta taagan

Walaw aannu khadka taleefanka kula xidhiidhnay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  si aannu wax uga weydiinno waxa ay kala socdaan iyo tallaabada u qorsheysan inay ka qaadaan is-maandhaafka sababi kara in uu dhiig daato, waa ay noo suurto-geli weyday in aannu xog ka helo, iyada oo taleefannadoodu xidhan yihiin awgeed.

Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka deegaanka oo aanu taleefanka kala hadalnay wax war ah may bixin, waxaanay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan dhiillada la soo tebinayo. Halka qaar kalena ay taleefannadoodu xidhan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee waxa ay bahda saxaafadda iyo Akadamiga Cilmi-baadhistu cod dheer ugu baaqayaan cid kasta oo ay arrintani khusayso. Waxa aanu leennahay “Somaliland uma baahna dirir iyo khilaaf kala geeya ummaddeenna. Waa in nabad, wada-hadal iyo goaan dawladeed lagu dhammeeyo hawshan. Uma baahnin wax dhibaato gaadhsiiya qof dalkeenna u dhashay iyo cid kale midnaba.”

Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista

Hargeysa