Warbixin Foolxun Oo Laga Soo Wariyey Dagaalka Diinta Ku Saleeysan Ee Afrikada Dhexe Iyo Muslimiinta Tirada Yar Oo Hilibkoodii La Dubanayo

Centeral Africa (berbera) Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxaa ka soconaya dagaal aad Ufoolun oo gacanta la iskula tagay  , iyadoo madaxweynihii Islaamiga ahaa uu goobta ka tegay waxaana haatan talada loo dhiibay haweeney doorasho ku soo baxday waxa ay ku baaqday in labada dhinac ay deg deg ku heshiiyaan.

madog55

Maalinimadii Axadda ayaa weriye BBC-da ka socday waxa uu la kulmay dhacdo naxdin badan oo dadweynaha  ka dhex dhacday isagoo soo duubay Mr. Magloire oo feenanaya hilibka nin uu gubay oo Muslim ahaa. Waxaa ninkani Kirishtan ka ahaa taageero siiyey dadkii kale e kishirtanka ahaa ee wadada dhoobnaa.

muslimiin4442

Ninka muslimka ah waxaa loo ugaarsaday kadib markii ninka Kirishtanka ah laga dilay carruur uu dhalay iyo xaaskiisa oo ku andacooday in ay uur laheeyd, dad-cunkani Ouandja Magloire ayaa shacabka dhexdiisa dab ku qabadsiiyey ninkii Muslimka ahaa isagoo kolkii uu gubtayna lug bislaatay hilibkeeda uu cunay. Arrintan ayaa ka fajicisay dadkii meesha joogay. Ninkani dadka cuna waxaa loo yaqaan Mad-Dog.

Sidoo kale weriye u warama wakaala AFP oo isagu sawirada qaaday ayaa xaqiijiyey in ninkaan horey loo arkay isagoo falkaan oo kale sameynaya dagaal hore oo dalka ka dhacay. Falkaan waxaa la yidhaa Cannibalism ama “Qori Ismaris ama dhurwaayeyn” ama “Dad-cun” waxaa ay ka dhacdaa dalkaas iyada oo ilaa ku dhowaad 1,000 qofood hilibkooda la feentay tan iyo intii dalkaasi dagaalada fooda la galay.

Warar hoose waxa ay sheegayaan in labo qof oo muslimiinta ah ay goobtaasi dirqi uga baxsadeen.

Dalka Afrikada Dhexe waxaa wada dega Muslimiin tiro yar iyo Kirishtaan tiro badan, waxaana 10-kii bilood ee ugu dambeyay talada qabsaday nin Muslim ah oo la yiraah Michel Djotodia, waxaa la saaray cadaadis xun isagoo kontorooli waayey maleeshiyaadka jabhadihii uu watey. Waxaa Djotodia lagu soo eedeeyay in uu dad badan laayey isagoo diiradda saaray Kirishtaanka tirada badan oo uu ka dilay 1,000 qof. Kirishtanku aad bey ugu ciilqabeen markii doorashada looga adkaadayna waa laga aargoostay iyadoo maleeshiyaadkii Kirishtanka ee la yidhaa “Anti-Balaka” ay aargoosi kula dhaqaaqeen maleeshiyaadka Seleka oo iyagu ah muslimiinta laga tirada badan yahay ah.

Waxaa dalkaas ku sugan 1,600 askari oo Faransiis ah, iyo 4,400 oo Midowga Afrika ah, iyadoo haatan wadammada Yurub ay doonayaan in ay 1,000 askari ku soo daraan  ciidankii hore.

Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa qal qal ku sugneyd waayihii dambe, dalkan ayaa qal qalka siyaasadeed ku jirey tan iyo intii uu talada ka tegay boqorkii Jean Bedel Bokassa kaasi oo ka talinayey dalkaasi Central African Republic (C.A.R)  muddo badan.

berberanews-