Hargeysa: Sixiroolayaal ku kacay xaalado gabbood fal ku ah sharafta iyo karaamada Haween badan

Hargeysa(Berberanews):-Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Booliska Somaliland, ayaa hawlgal ay qaadeen ku qabqabtay Sixirroolayaal aan haybtooda la aqoonsan oo arrimo dhaqan-xumo iyo Sixirroolannimo kula kacay qoysas badan oo reer Hargeysa ah, kuwaasoo ku kacay xaalado gabbood fal ku ah sharafta iyo karaamada Haween badan oo la sheegay inay kula macaamileen dhaqan-xumo lid ku ah Diinteenna Suubban ee Islaamka.

Sixirroolayaashan la qabtay ayaa laba ka mid ah lagu soo qabtay Xaafadda Daami iyo xaafada Sheekh Nuur, kuwaas oo la sheegay in ay sanadihii u dambeeyayba kaga shaqaysanayeen Hargeysa qaab Cilaaj, waxaana la sheegay in lagu soo qabtay cajalado ay iska duubeen oo la sheegay in ay guryahooda yaaleen, ka dib markii uu si qarsoodi ah uga soo baxday nin la sheegay in mid ka mid ah Sixiroolayaasha uu gurigiisa ugu samaynayey muraayad ama shaashad Telefishan ka xumaaday.

Illaa hada Xukuumada Somaliland iyo Guddida wanaag farista midkoodna kamay hadal dhacdadan, hase yeeshee warar ayaa sheegaya in Sixiroolayaashan ay ku jireen guryo ay kiraysteen, kuwaas oo la sheegay in dhaqaalaha ay ku samaysteen in ay ka urursadeen Haween ay duufsadeen kooxdani oo u muuqda in ay kula kaceen arrimo la xidhiidha sixir iyo fal.

Halkan Riix