86-qof oo ku dhintay Iska hor imaadyo u dhaxeeya qabaa’ilka dalka Libya

Libya (berbernews) Dagaal ehliya ayaa ka dhacay dalka libya waxaa ku naf waayay Ugu yaraan 86-qof ayaa ku geeriyooday iska hor imaadyo u dhaxeeya maleeshiyaad qabaa’il ah oo ka dhacay Koonfurta dalka Libya labadii asbuuc lasoo dhaafay.

lib-300x198

Maleeshiyada ayaa kala taabacsan xubnaha Dowladda iyo xubno kale oo daacad u ahaa Hogaamiyihii hore Muammar Gaddafi, waxaana uu iska hor imaadka badankiisa ka dhacay magaaladda Sabha
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegtay in ugu yaraan sidoo kale ay iska hor imaadyada ku dhaawacmeen 128-qof.
Magaalada Sabha ayaa kamid ahayd meelaha sida weyn looga taageeri jiray Gaddafi, waxaana ay ahayd meeshii u dambeysay ay ka dagaalameen xoogagii daacada u ahaa.
Iska hor imaadkan ayaa la aaminsan yahay in ay soo abaabuleen qabiil qaybo kamid ah Koonfurta Libya dega oo la yiraahdo Tabu kuwaas oo takoor kala kulmay Gaddafi, waxaana lagu tilmaamay mid ay aargoosi ku sameynayeen oo ay la beegsadeen mid kamid ah hogaamiyaasha maleeshiyada qabiilka oo isla gobolka ku xoogan.
Tan iyo markii xukunka laga tuuray Gaddafi, dalka Libya waxaa kusii badanayay colaadaha qabaa’ilka, waxaana ku dhintay boqolaal kun oo qof
berberanews-Desk
Hargeysa/Somaliland