Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Oo Lagu Weerarayey Madaafiic

Muqdisho (berberanews) Madaafiic ay Al-shabaab sheegtay inay ku weerartay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa qaarood waxay dhaawac u geysteen dad rayid ah oo deggenaa xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.

images (9)

Dhowr madfac ayaa ku dhacay xaafado ay dad rayid ah daggan yihiin iyadoo ay ku dhaawacmeen afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haween halka labada kalena ay ahaayeen dumar.

Goobjoogaaal ayaa sheegay in dhowr madfac ay kusoo dhaceen xaafado kala duwan oo ku yaalla degmada Wadajir iyo agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, inkastoo aan la ogeyn inay garoonka ku dhaceen iyo in kale.

Bogagga taageera Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in duqeynta ay ahayd mid ay ku weerareen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayna ku dhaceen qaar ka mid ah madaafiicdaas, balse ma aysan sheegin in madaafiicdu ay khasaare geystay.

Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay duqeyn la beegsato garoonka diyaaradaha Muqdisho, xili howlaha garoonka ay soo kordhayeen bilihii ugu dambeeyay.

 berbernews-Desk
Muqdisho/Somalia