KA REEBBAN SIYAASAD: Sannadka Cusub iyo Xog-warranka Qurbo-joogga ee Xaaladda Dalka

y: Rashiid Sulub Caalin, qoraa, daaci, mufakir, Tel: 063 4426781, Hargeysa, Somaliland

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa maqaal xog-warran ah oo aan ugu talogalay in aan qurbo-joogga reer Somaliland ugu soo bandhigo sannadka cusub ee 2014 arrimo aad u xiiso badan oo dalka ku soo kordhay labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo khuseeya dhinacyo kala duwan oo nolosha bulshada ah, waana kuwan ee ka bogo:
1-                  Adeegga ZAAD ee telefoonnada lacagaha laysugu diro oo aad u afnacay shacabka reer Somaliland, miyi iyo magaalana wada gaadhay
2-                  Ciidammada qaranka oo loo qaybiyey daroojin soo saaray haybadda iyo quruxda ciidannimo
3-                  Mishiinnada kelyaha u sifeeya dadka buka oo markii ugu horreysay dalka la keenay
4-                  Carruurta oo faraha waalidiinta ka baxay
5-                  Ardayda dugsiyada oo iyagu u taliya macallimiinta, isla markaana jaan-gooya saacadaha waxbarashada
6-                  Tagaasi yaryar baahi weyn loo qaybay oo dalka laga hirgeliyey, door weynna ka qaatay in dadweynuhu helaan gaadiid ay raacaan oo weliba qiimo jaban
7-                  Baabuurta gurmadka deg-degga ah ee caafimaadka oo dalka aad loogu caawiyey si degdegna looga helayo inta badan magaalooyinka dalka
8-                  Riyaha magaalooyinka oo lagu dulqaro lambarro telefoon, si haddii ay lumaan loola xidhiidho cidda leh
9-                  Ragga oo khaatiyaan ka raagan, aadna u karaahiyeystay gabdhaha dawooyinka midabka beddela jidhkooda is-mariya
10-              In ay dalka yimaaddeen dad ajnebi ah oo isugu jira ganacsato, dhakhaatiir, samafalayaal, dalxiisayaal iyo kuwa kale
11-              Raxmaadkii iyo roobabkii sannadlaha ahaa oo teel-teel noqday
12-              Quruxdii iyo jamaalkii joogga dadka reer Somaliland caanka ku ahaayeen oo meesha ka baxay
13-              Xannuunada oo aad iyo aad u badatay sida kansarka, macaanka, dhiig-karka iyo AIDS-ka
14-              Mowtul-qaflaha oo batay iyo dadka oo shabaabnimo ku dhimanaya
15-              Masaajidada oo tiro beelay, balse koox-koox amma firqooyin loogu tukado
16-              Cillad joogto ah oo ku habsatay gaadiidka oo geerash walba buux-dhaafiyey
17-              Reer-magaalka iyo reer-miyiga oo aan muuqooda la kala garanayn
18-              Dhagaysigii heesaha oo aad u yaraaday iyo cajaladihii oo meesha ka baxay
19-              Meelihii bannaanaa ee carruurta yaryar kubbadda ku ciyaari jireen oo la wada dhisay
20-              Qiime-jab weyn oo ku dhacay lacagaha qalaad ee dalka laga isticmaalo
21-              Lacago kala duwan oo si caadi ah wax loogu kala iibsado
22-              Maceeshadda oo aad u adkaatay
23-              Isticmaalka qaadka iyo cunistiisa oo xadhkaha goostay
24-              Dhaqankii saddexda waqti wax la cuni jiray oo midkood meesha laga saaray sababo dhaqaale darteed
25-              Shaqo-la’aan baahsan oo dalka ka taagan
26-              Caano geel oo iibkooda safaf dhaadheer loogu jiro
27-              Geedka Garan-waaga oo wax-ka-qabashadiisii quus ku dhammaatay
28-              Dadka oo soo baranaya faa’iidada wax-wada-qabsigu leeyahay
29-              Dhoolla-caddayntii iyo kaftankii lagu yaqaanay bulshada reer Somaliland oo shiiqaya
30-              Baabuurta oo aad u tiro batay, dhibaatooyinkooduna sii kordheen
31-              Dareenkii dadweynaha oo aan kala jeclayn dhacdooyinka dalka gudihiisa iyo kuwa dibadaha ka dhaca
32-              Dadka da’doodu dhexdhexaadka tahay oo tiradoodu aad u korodhay
33-              Isticmaalka kelmado cusub oo dalka ku sii baahaya sida xaalad-abuur, iwm
34-              Dadka intooda ladan oo aad u isticmaala qalabka jimicsiga
35-              Kirada guryaha oo cirka isku shareertay
36-              Marfashyo casri ah oo nin iyo jaanni-gooni loo fadhiyo oo aan qofna qofka kale waxba weydiisanayn
37-              Raashinta iyo sharaabka dalka la keeno oo aad u tiro batay, tayadoodana aan cid hubin
38-              Dayn-raadis ka dhashay dhaqaalaha adkaaday dartii
39-              Magacyada loo bixiyo carruurta dhasha oo noqday qaar aan hore loo maqlal
40-              Dadkii aqoonta lahaa ee dibadaha wax ku soo bartay oo shaqo la’aan awgeed madluun ah
41-              Dharkii laga tolan jiray dawaarlayaasha oo aad u yaraaday
42-              Caanaha qaysacaydsan noocyadoodu badan yihiin oo dalka lagu soo fatahiyey
43-              Digaagii iyo riyihii magaalooyinka lagu dhaqan jiray oo meesha ka sii baxaya
44-              Maxkamadaha oo waxoogaa horumar ah ka sameeyey dhinacyada nabadgelyada iyo dacwad-qaadisaha
45-              Saacadaha iyo kaalkulaytarrada [calculator] wax lagu xisaabiyo oo meesha ka baxay
46-              Dadweynaha oo bartay inay dhistaan guryo qurux iyo bilic leh
47-              Faras-magaalaha Hargeysa oo isu beddelayo dhismeyaal dabaqyo ah
48-              Guurkii oo yaraaday arrimo dhaqaale awgeed
49-              Mahad-celinta oo bulshada aad ugu sii yaraanaysa
50-              Waddooyinka magaalooyinka iyo tuulooyinka oo askari-jiifa lagu taxay
51-              Odayaashii laga faa’iidaysan jiray taariikhda iyo dhaqanka oo meesha ka sii baxaya
52-              Jaamacadaha iyo dugsiyada hoose ee carruurta lagu ababiyo aad u tiro batay, qiimahoodana aanay danyartu awoodi Karin
53-              Cabashada waqtiga yaraaday oo dadka wada gaadhay
54-              Basaska dadweynuhu raacaan oo looga taag waayey inay raacaan nidaamka waddooyinka
55-              Dhuxusha oo yaraatay, qiimaheeduna cirka gaadhay
56-              Xaaluf iyo nabaad-guur baahsan oo dalka ku habsaday, xalna aan weli loo helin
57-              Nidaamka dhigaalka dhaqaalaha ee hagbadda loo yaqaan oo dadku aad u galaan waqtigan
58-              Dhakhaatiirta da’yarta ah ee jaamacadaha dalka ka baxay iyo kuwa dibadaha ka yimaad oo wax weyn ka taray baahidii caafimaadka ee dadweynaha
59-              Farsamayaqaannadii hore ee caanka ahaa oo meesha ka baxay iyo duul aan aqoon lahayn oo kaalintoodii buux-dhaafiyey
60-              Daawasha aflaamta musalsallada afka Soomaaliga ku tarjuman oo guri kasta aad loogu daawado, gaar ahaan dumarka iyo carruurta
61-              Korontada oo meel walba gaadhay iyo magaalo iyo miyiba
62-              Dumarka oo marka ay dibadda u baxayaan qaata dhar wada asturan
63-              Dadka qurbaha ka yimaad oo lala sugo qorsheyaal guur iyo abuurista fursado ganacsi
64-              Hadalkii asluubta iyo akhlaaqda wanaagsan ku dhisnaa oo dhallinyaradu tureen
65-              Madax-dhaqameedyada sida salaadiinta iyo boqorrada oo biyo-yaa-shuban noqday
66-              Buuggaagta afka Soomaaliga ku qoran oo batay
67-              Riwaayadihii la daawan jiray oo gebi ahaanba meesha ka baxay
68-              Ey tiro badan oo ku tarmay jidadka magaalooyinka dalka
69-              Qashinka iyo kudaafadda oo wehel u noqday caasimadda Hargeysa, wax weynna u dhimay bilicdii magaalada
70-              Xannuunnada isku-buuqa (stress) oo aad u kordhay
71-              Cadaygii iyo dacaskii magaalada lala dhexmari jiray oo la waayey
72-              Daawooyinka madax-xannuunka oo isticmaalkoodu aad u batay
73-              Muhaajiriinta qoomiyadda Oromada Itoobiya oo saddex-jibbaarmay
74-              Socdaalkii gelista Itoobiya oo la beddelay, laguna galo fiiso sharci ah
75-              Gu’ii shaalka ahaa ee bulshada reer Somaliland dhaqanka u lahaayeen oo laga ilbaxay
76-              Isticmaalka internetka oo aad iyo aad ugu faafay dalka
77-              Murankii dhulka ee laysku dili jiray oo si weyn hoos ugu dhacay
78-              Akhriska wargeysyada oo yaraaday iyo tiradooda oo aad u kordhay
79-              Tanaasulka iyo isu-dulqaadashada oo la soo baranayo
80-              Barashada diinta oo aad u xoogaysatay
81-              Ganacsiga muuska Soomaaliya ka yimaad oo aad u batay
82-              Siminnaarrada aan macnaha badan lahayn oo aad u kordhay
83-              Maxaabiista xabsiyada ku jira oo 90% yihiin dhallinyaro
84-              Miinooyinkii dhulka ku aasnaa oo dalka ka sii dhammaanaya
85-              Dumarka qaadka iibiya oo xannuuno kala ku dhaceen, sababo la xidhiidha fadhiga fadhiga badan iyo siigada suuqyada
86-              Dameerihii biyaha dhaamin jiray oo lagu beddelay baabuur yaryar
87-              Baahida dhakhaatiirta cudurrada maskaxda oo dalka ka taagan
88-              Cabashooyinka dadweynaha oo aad u batay, markastana ka hadlaya waxyaabaha ka maqan.
89-              Baahida riigagga biyaha soo saara oo badatay, gaar ahaan dhinaca waraabka beeraha
90-              Dalka oo dhan oo isu beddelaya beero, iyadoo meel walba dad iska ooteen oo xoolihii halis ku jiraan markii laga maanacay dhul-daaqsimeedkii
91-              Soo saarista shidaalka iyo macdanta oo hadal-hayntoodu aad u badatay
92-              Tirada dumarka xil-doonka ah oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya
93-              Qabyaaladda oo aad u sii kordhaysa, dalkana ku wada baahday
94-              Noocyada mukhaadaraadka oo dalka ku soo kordhaya
95-              Raadinta caawimooyinka shisheeye iyo maalgashiga caalamiga ah oo ciidda ka batay
96-              Tirada dumarka jilbuhu xannuunayaan oo aad u korodhay
97-              Muranka arrimaha siyaasadda oo beelaysan oo sii xoogaystay
98-              Madarasadaha xifdiga qur’aanka kariimka oo tiro beelay
99-              Xikmaddii suugaanta, gaar ahaan curinta heesaha oo aad u daciiftay
100-          Dawarsadayaasha magaalooyinka dalka oo halkii ugu sarraysay gaadhay.
Qaybta 2aad
1-      Ganbadhkii lagu fadhiisan jiray oo laga tagay, laguna beddelay kuraas caag ah oo guri kasta iyo goob kasta yaal
2-      Hadalkii lagu kala dambayn jiray oo meesha ka baxay
3-      Dadka oo cudurka dhul-jacaylku aafeeyey
4-      Shaaha oo daasado lagu kariyo, kildhigiina laga guuray
5-      Indha-kuushii dumarku marsan jireen oo dabar go’day
6-      Guryihii dhulka sibidhka laga dhigi jiray oo marmar loo beddelay
7-      Tartannadii ciyaaraha oo aad u yaraaday
8-      Ganacsigii laba qaybood oo keliya ku soo ururay
9-      Munaasibadihii maamuuska hadalka lagu kala dambayn jiray oo sii gudhaya
10-  Gabdhaha oo wiilasha ka batay
11-  Dadka waqtigan nool oo nacay araarta dheer ee hadalka
12-  Bulshada oo madax iyo minjo ka siman dhaliisha dawlad kastoo jirta, dalkana wax xun uun ka sheega markasta
13-  Geela oo baabuur la saaro
14-  Xayeysiisyada telefishannada dalku baahiyaan oo tiro beelay
15-  Hooyo carruur agoon ah haysata oo ilaa saqda dhexe biilkooda suuqa u fadhida
16-  Dumarka oo halgankii nolosha qoyska kaga wanaagsanaaday ragga
17-  Xaasidka iyo xinka oo dalka ku sii batay
18-  Guddiyada arrimaha gaarka ah loo xilsaaro oo marka hore warbixinahoodu bataan, balse aan wax natiijo ah soo saarin
19-  Haamihii biyaha lagu shuban jiray ee tummaalladu samayn jireen oo lagu beddelay jirikaamo iyo foostooyin caag ah
20-  Xidhiidhintii ehelka iyo qaraabada oo aad u daciiftay
21-  Doodda iyo muranka arrimaha siyaasadda oo meel walba gaadhay miyi iyo magaalaba
22-  Faynuuskii la shidan jiray oo gebi ahaanba meesha ka baxay
23-  Waddooyin burbursan oo hareeraha marmar qurux badan laga dhigayo
24-  Beenta, musuqa iyo khiyaamada oo xadhkaha goostay
25-  Markhaati beenaalaha oo batay
26-  Dhegaysigii idaacadaha reer galbeedka ee suuqyada oo aad u daciifay
27-  Suqaarkii hudheellada ee cashayn jiray oo lagu qadeeyo
28-  Haasaawaha telefoonka oo habeenkii la caadaystay
29-  Isticmaalka mareegta FACEBOOK oo dhallinyaradu meherad ka dhigteen
30-  Jaadkii miisaska lagu dul iibin jiray oo kolley loo rogay.
31- Saamalaylkii habeenkii oo laga badow baxay
32- Biyo la’aanta Hargeysa oo saamayn ku yeelatay Bulshada iyo qorshe la’aan weli jirta
33- Odayaasha gaboobay oo dantu ku kelliftay in magaalooyinka laga saaro oo miyi la geeyo si ay uga nastaan saxmadda badan iyo guuxa gaadiidka xad-dhaafka noqday
34- Inta badan guryaha magaalooyinka oo ay ka shaqeeyaan dad Itoobiyaan ah, kuwaas oo ka shaqeeya cunto-karinta ilaalinta aqallada laga maqan yahay
35- Shaqooyinka dawladda iyo kuwii dadweynaha oo inta badan layska dhaxlo
36- Dumarka oo ka ilbaxay shaqooyinka guriga saacado badan kaga lumaan, nolosha oo adkaatay darteed
37- Musqulaha la kireeyo ee suuqyada oo dad badan ku reeyeen, gaar ahaan ganacsatada
38- Dadweynaha oo iyagoo kaashanaya dawladda waddooyin badan oo laamiyo ah samaystay
39- Fannaaniintii hore iyo ehelkii suugaanta ee waayadii hore aadka loo jeclaa oo aan immika wax qiime ah bulshada ku dhex lahayn
40-  Dadkii la odhan jiray Afmiishaarrada ee dadku dhegaysan jireen oo meesha ka baxay, kadib markii dadweynuhu kaalintaas wada buuxiyeen
41- Beeralayda oo bartay faa’iidada biyo-xidheennadu u leeyihiin wax-soo-saarka beeraha
42- Bulshada iyo dawladda oo marka dhibaato dhacdo xaaladda uun qaboojiya, laakiin aan xal rasmi ah oo dhammaystiran ka gaadhin arrinta dhacday
43- Madarasadihii waababka ahaa ee xaafadaha laga dhex samayn jiray oo isu beddelay dhismeyaal cusub iyo carruurta oo basas guryahooda lagaga qaado subaxda hore, duhurkana dib loogu soo celiyo
44- Madaxda dawladda oo ka shaqaysan kari la’ odayaal danahooda gaarka ah u socda oo xafiis walba taagan
45- Idaacadaha dibadda oo batay, tartan xoogganna ka dhexeeyo
46- Heesihii Kacaanka ee dawladdii Afweyne oo dad badan dhegaystaan, maqalkoodana dhagaha loo wada taago
47- Isticmaalka malabka oo aad dalka ugu soo kordhay
48- Dadka da’doodu u dhexayso 45-50 jir oo shaqo la’aan ku daashatay, badankooduna inay ka mid noqdaan guddiyada reerkooda si ay dhaqaale uga raadiyaan
49- Dhallinyarada inta aan balwad lahayn oo si fiican u shaqaysa, mashaariic fara badanna abuura
50- Fannaaniinta cusub oo ka waantoobay qaadista heeso aanay lahayn oo looga horreeyey
51- Waxa soo baxay duul aan dhaafayn wax kasta oo dibadda yaal, sida daasadaha iyo biraha gaboobay ee la daadiyo
52- Baabuurta la kala iibsanayo oo lagu iibsado sida ay u kala lambar dambeeyaan, qiimahooduna ku xidhan yahay hadba lambarka gaadhiga
53- Waxtarkii jaarka iyo isku-wareeggii bariidada oo aad u yaraaday
54- 131. Masaajiidii habeenka Jimcaha salliga Nabiga (S.C.W) laga akhriyey oo aad u yaraaday
55- 132. Dadka lugaynaya ee baabuurtu qaadi jireen oo lagu beddelay muraayadaha oo qofka la garanayo dallacdo iyo in xawaare lagu dhaafo
56- Isu-dulqaadashadii dadka dhexdiisa oo meesha ka baxday
57- Dumarka oo markasta telefoon kula hadla raggooda, lacagna weydiiya
58- Ballamaha dadku wada galaan oo wax yar ka fulaan
59- Booqashadii dadka buka oo aad iyo aad u yaraatay
60- Kala-shakiga iyo dammiinka oo batay marka hawlaha ganacsiga la bilaabayo
61- Dad badan oo samafalka ay sameeyaan ku kooba qoysaskooda iyo reerahooda
62- Niqaamka wejiga lagu daboolo oo gabdhuhu aad u xidhaan
63- Guryo badan oo lagu daray qol gaar ah oo laga kireeyo dadka habeenkii soo jeeda
64- Xadrooyinkii iyo Alle-barigii habeenka Jimcaha oo meesha ka baxay
65- Qofka maskaxda iyo fikirka badan oo lagu tilmaamo qof waalan amma aan hagaagsanayn
66- Kaba-toleyaashii oo magaalooyinka dalka ku sii yaraanaya
67- Qurbo-joogga dalka ku soo laabta oo aan intooda badan wax qorshe ah waddanka ku soo kordhin
68- Ragga reer-magaalka ah oo aad u raadiya haweenay lacag haysta oo ay guursadaan
69- Gabdhaha oo iyaguna la haya guurka nin lacag leh amma dibadda ku maqan
70- Dhallinyarada badankooda oo faraha ka qaaday hammo guur iyo inay reer dhisaan xaalad dhaqaale awgeed
71- Dumarka oo buuxiyey kaalintii ragga ee masuuliyadda qoyska
72- Cusbitaallada gaarka ah ee dhakhaatiirtu fadhiistaan oo kuyuu loogu jiro, gaar ahaan dumarka iyo carruurta
73- Dhallinyaro badan oo tuug noqday oo habeenkii dadka dariiqyada ku baadha
74- Rayiisleyaasha oo kordhiyey qalab iyo adeegso casri ah
75- Tirada dadka wax qora oo aad u korodhay, balse 90% wax ka qora arrimaha siyaasadda oo keliy iyo dhaliilaha maamulka
76- Shacabka oo ka bogsaday baqdintii iyo saskii ay ka qabi jireen askarta milletariga
77- Qashinka waddooyinka iyo guryaha hortooda la dhigo oo noqday wax iska caadi ah
78- Tallaabo kastoo la qaadayo oo lacag noqotay
79- Geesinimadii laysku ammaani jiray oo meesha ka baxday
80- Cudurka Macaanka oo si weyn u aafeeyey dadweynaha reer Somaliland miyi iyo magaalaba
81- Isticmaalka internetka oo dad badan oo shaqeeya ka jeediya shaqo-maalmeedkooda
82- Ragga oo marka ay guryahooda tagaan aan xaaska iyo carruurta u muujin farxad iyo weji-furnaan
83- Culimada oo xil weyn iska saaray waanada iyo inay dadkooda diinta baraan
84- Dadka badankiisa oo aan ku xisaabtamin waqtiga iyo ka faa’iidaysigiisa if iyo aakhiraba
85- Dadweynaha oo marka lagu martiqaado kulan nooca uu doono ha noqdeen ku xisaabtama danta gaarka ah ee ugu jirta
86- Dadka oo aad u bartay isticmaalka cuntooyinka waddaniga ah
87- Dhaqashadii xoolaha iyo reer-guuraagii oo maalinba maalinta ka dambaysa sii yaraanaya
88- Halgamayaashii SNM oo wax yar ka sii nool yihiin
89- Saaxiibtinimadii oo isu beddeshay sida loo kala dhaqaale roon yahay
90- Khudaarta ugu badan oo laga beero degaanno badan oo aan dooxyo iyo durdur toona lahayn.
91- Dadka qiurbaha ka yimaad oo laydhka magaalooyinka Somaliland dhibo
92- Dumarkii carruurtooda abtirsiinta bari jiray oo tuuray
93- Biyihii dibadda laga keeni jiray oo lagu beddelay noocyo kala duwan oo dalka gudihiisa laga soo saaro
94- Buugaagtii yaryarayd ee xusuus-qorka jeebka oo laga tagay
95- Dhulkii caadiga ahaa oo dooxyo iyo jeex-jeexyo badan ka dillaaceen
96- Dadka caddaanka ah oo aanay intooda badan ciidan ilaalin, suuqyadana si caadi ah u mara habeen iyo maalinba
97- Shidaal wasakhaysan oo marar badan dalka loo iib keeno
98- Kaalmaha oo shidaalka ku shubta booyado dhulka hoostiisa lagu aasay
99- Dadka badankiisa oo aad ula yaaba carruurta dibadaha ku barbaaray ee dalka lagu soo celiyo
100-              Tirada dhalashada iyo dhimashada dadka oo aad u badatay
101-              Ku-takrifalka lacagta oo xad-dhaaf noqday, gaar ahaan dhallinyarada
102-              Isku-hiilintii qabiilka iyo tolaayeydii oo meesha ka baxday
103-              Gaadiidka dawladda oo aan intooda badan darawaliintu u tudhin, lana daryeelin
104-              Feejignaantii booliska ee cadowga iyo dambiyada oo aad u yaraatay
105-              Dadka qurbaha ka yimaad oo aan loo raadin sidii waayadii hore loo daydayi jiray
106-              Bisadihii guryaha lagu dhaqan jiray ee jiirka la dagaallami jiray oo dabar go’ay
107-              Birqaabkii dabka loo isticmaali jiray oo lagu beddelay malqaacad
108-              Dadka oo garashadii iyo fikirkii maskaxdooda ku soo koobay hadal-haynta waxyaabo aan faa’iido lahayn
109-              Masaajida oo ku dhow inay 24-ka saacadoodba furnaadaan
110-              Markii ugu horreysay oo guryaha qashinka laga qaado lagu soo rogay inay bishii iska bixiyaan $5 doollar
111-              Sheekooyinkii mirqaanka qaadka oo la casriyeeyey
112-              Dad badan oo aan sirahooda ku furfuran meelaha lagu badan yahay sababo la xidhiidha hadalka oo telefoonnada layskaga duubo
113-              Jinaasadaha meydka oo dumarku xabaalaha u raacaan
114-              Horumarka caasimadda Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka oo aad u kala fogaaday
115-              Xafladaha meherrada oo lagu martiqaado dad gaar ah oo isugu jira ehel iyo asxaab keliya
116-              Inta badan wiilasha reer Somaliland oo baabi’iyey hantidii ay ka dhaxleen aabbayaashood
117-              Abtigii aadka loo jeclaa oo aan hadda wax qiimo ah dalka gudihiisa ku lahayn
118-              Laaluushkii la qarsan jiray oo si caadi ah meel kasta loogu kala qaato
119-              Dumarka la qabo oo intooda badan heegan ugu jira sidii ay raggooda uga ilaalin lahaayeen guurka haweenay labaad
120-              Maxkamadaha oo ka garnaqa dacwado aan hore loo arag, loona maqal
121-              Waysadii iyo sijaayaddii odayaashu garabka ku qaadan jireen oo la dhaafay
122-              Hilibkii solayga ahaa iyo subaggii burcadka ahaa oo meesha ka baxay
123-              Madaxtinimada iyo xilalka dawladda loogu tartamo in laga fara qabsado
124-              Dad badan oo sas ka qaaday isticmaalka telefoonnada dhinaca nabadgelyada darteed
125-              Waddaniyaddii iyo waxqabadkii oo dadka maskaxdooda laga masaxay
126-              Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo iyagu ardaydooda ka iibiya dirays tolan, sidoo kalena iskuulka dhexdiisa carruurta kaga iibiya buugaagta iyo nusasaacaha
127-              Cunto-kariyeyaasha hudheellada iyo wastaadiinta guryaha dhisa oo yoomiyahoodu cirka isku shareeray
128-              Dadka oo waddooyinka iska dhexmara oo baabuurtu iska eegaan
129-              Cunistii muqmadda oo aad u yaraatay
130-              Qareennada dadweynaha u dooda oo suuqoodu xaammi noqday
131-              Sadaqada iyo wax-bixinta oo inta badan laga baahiyo warbaahinta
132-              Isticmaalkii maahmaaha oo aad u daciifay
133-              Muraayadaha indhaha ee dalka la keeno oo noqday caag iyo macmal aan tayo lahayn
134-              Dhakhaatiirta oo qof kastoo xannuun ugu taga u xambaariya bac dawooyin ah
135-              Xannuunka TB-da oo hargabka la mid noqday
136-              Culimada oo door weyn ka qaatay isku-furanka magaalooyinkii qabiilooyinka loo kala deganaa
137-              Qaadlayaashii ku dhawaaqi jiray qiimaha oo loo beddelay cod la duubay oo sameecado waaweyn ka baxay
138-              Joornaalladii gaboobay ee afka layskaga masaxi jiray oo laga ilbaxay
139-              Sariirihii isbiriinka ahaa iyo furshaantii liifka ahaa oo lagu beddelay loox iyo bush
140-              Ciid-dahraantii dumarku weelka ku xali jireen oo aan jirin
141-              Shirarka dawladda iyo dadweynaha oo aad u batay, gaar ahaan subaxdii
142-              Buurigii raggu laaban jireen ee sida sigaarka loo cabbi jiray oo laga tagay
143-              Shaxdii raggu geedaha hoostooda ku ciyaari jireen, laguna kaftami jiray oo la dhaafay
144-              Shaqooyinka dawladda iyo dadweynaha oo inta badan qabyaalad lagu bixiyo
145-              Qaabkii geela loo gawrici jiray oo lagu beddelay qaab aad u naxariis daran oo naxdin badan leh
146-              Baahi weyn oo loo qabo cilmi iyo aqoon wax lagaga qabto dhibaatooyinka guurka oo aad u badan
147-              Cunistii baastada ee aadka loo jeclaa oo sii yaraanaysa, laguna beddelay bariis cad oo aan suugo lahayn
148-              Xiirashada timaha madaxa iyo gadhka oo joogto noqotay, gaar ahaan dhallinyarada
149-              Shaqooyinka oo inta badan shuruud looga dhigo qof aan balwad lahayn
150-              Dadka badankooda oo lagu dhibay qoraalka
151-              Kabo nooc kasta leh, qiimahooduna jaban yahay oo dalka aad loogu iib keeno
152-              Hooyooyinka oo habaarkii carruurtooda joojiyey, qaarkoodna cay ku beddeleen
153-              Dadka oo wada dillaaliin noqday
154-              Loollan aan kala go’ lahayn oo saacad kasta lagu jiro
155-              Telefoonnada guryaha iyo xafiisyada la dhigi jiray oo sii dabar go’aya
156-              Saacadihii gidaarrada guryaha iyo xafiisyada la sudhi jiray oo la dhaafay
157-              Godadka waddooyinka badankooda ka jeexmay oo sababa shilalka ugu badan ee gaadiidka
158-              Taariikhda iyo sheekooyinka dagaalladii SNM ku burburisay taliskii Siyaad Barre oo aan waxba laga qorin
159-              Jawaannadii raashinka lagu keeni jiray oo lagu beddelay baco
160-              Raashinkii 50-ka kg u xidhnaan jiray oo lagu beddelay 25kg iyo in xidh-xidh bakhaarrada looga iibsado
161-              Sibidhka oo kiiloo-kiiloo loo iibiyo
162-              Ciyaar-soomaaligii habeenkii la ciyaari jiray, gaar ahaan miyiga oo meesha ka baxday
163-              Hagrashada wax-bixinta iyo wahsiga oo aad u batay
164-              Foosii iyo uunsigii guri kasta lagu shidi jiray oo aad u yaraaday
165-              Aasaska oo lagu dul sheekaysto
166-              Xeerarka dawladda ee la dhaqan-geliyo ee dawladda amma dadweynuhu dhexdooda samaystaan oo aan badankooda lagu dhaqmin
167-              Noocyada kala duwan ee eexda oo aad u kordhay
168-              Titada dadka xajka taga oo sannad kasta sii kordhaysa
169-              Tirada haweenka foosha ku dhinta oo aad u badatay
170-              Dhallinyarada oo badankooda madaxa iyo gadhkaba cirro buuxisay
171-              Qalabka dayactirka gaadiidka oo tayadoodu aad u liidato
172-              Magacyo dawladda hoose ee Hargeysa u bixisay jidadka caasimadda oo dadka ku adkaaday
173-              Baabuurta oo sida qaadka oo kale caanaha xoolaha ka keena Itoobiya gudaheeda
174-              Mukhaadaraadka oo dhallinyaro badan dishooday
175-              Qofka saldhigyada booliska lagu xidha oo marka laga daba yimaad xadhigga lagu sii adkeeyo, balse marka kiiska laga heshiiyo amma lacag laga bixiyo degdeg loo sii daayo
176-              Xafladaha dugsiyada gaarka loo leeyahay oo tiro beelay
177-              Noloshii reer-guuraaga oo la qoomamaynayo, kadib markii xoolo-dhaqashadii yaraatay
178-              Heesihii talan-taalliga ahaa oo meesha ka baxay
179-              Dadka ku barakacay magaalooyinka gudahooda oo caafimaadkoodu ka wanaagsan yahay kuwa kale
180-              Ciidammada ammaanka oo dhibaatooyin badan kala kulmi taagnida waddooyinka ee saacadaha badan
181-              Baahi weyn oo dalku u qabo abuurista caymiska gaadiidka
182-              Is-xushmayntii dhinaca da;da ee dadka oo sii gudhaysa
183-              Dadka is-daldala iyo kuwa is-guba oo tiradoodu aad u yaraatay
184-              Dad tiro badan oo sooma maalin kasta oo Isniin iyo Khamiis ah
185-              Da’yarta oo aan helin taariikhaha sidii Somaliland xorriyadda ku qaadatay 1960, midowgii ay la gashay Soomaaliya, halgankii dib-u-xoreynta iyo sababaha keenay inay madaxbannaanideeda la soo noqoto 1991
186-              Isticmaalka haamaha gaasta wax lagu karsado oo dad badan la qabsan la’yihiin
187-              Dadka badankooda oo habeenkii xilli hore seexda
188-              Hablihii guryaha ka shaqayn jiray oo la waayey, una wareegay inay samaystaan makhaayado yaryar oo shaaha lagu cabbo, laguna qayilo
189-              Rag badan oo caadaystay inay ku daba qayilaan dumarka qaadka iibiya
190-              Dadka gudaha oo culays xooggan oo dhaqaale ku haya qurbo-joogga
191-              Ragga aan badankoodu shaqaysan oo maalin kasta qayila, kharash badanna burburiya
192-              Nootaayooyinka oo ka arradan kuraas ay ku nastaan dadweynaha muraadadu ka galaan
193-              Sarrifleyaasha oo cabsi la’aan badhtamaha suuqyada wadha lacag malaayiin dollar ah, kana asturin dadka dhibaataysan ee ishoodu ku dhacayso
194-              Goobihii telefoonnada laga dirsan jiray oo laga guuray
195-              Kombiyuutarrada gacanta lagu qaato oo guri kasta iyo goob walba lagu isticmaalo
196-              Kolleyada qaadka lagu iibiyo oo mid kasta magac gaar ah far waaweyn lagu dul qoro
197-              Is-dhexgalkii ragga iyo dumarka oo aad u batay
198-              Caashaqa iyo jacaylka telefoonka ee da’yarta oo ciidda ka batay
199-              Gabdho tiro badan oo bartay cunista qaadka iyo cabbista badeecadda
200-              Hudheello rag iyo dumar badeecadda lagu wada cabbo.
 
 
1-    Odayaashii talooyinka iyo arrimaha muhiimka ah looga dambayn jiray oo meesha ka sii baxaya
2-    Faraawilka caagga ah oo dalka ku soo batay
3-    Hangoolkii oodda lagu qaadi jiray, amma lagu xarragoon jiray oo dabar go’ay
4-    Tirada jaraa’idka ka soo baxa caasimadda Hargeysa oo aad u badatay, wax keliyana lagu wada qoro
5-    Mulkiilayaasha guryihii gaboobay ee faras-magaalaha oo dhaqaale xooggan ka helay iibkooda
6-    Maahmaahdii ahayd dumarka been baa lagu soo xero-galiyaa, runna waa lagu dhaqaa oo shiiqday
7-    Rag iyo dumar gelinka hore waalan, lagana baqdo oo gelinka dambe caadi noqda
8-    Kabihii reer-miyiga loo toil jiray oo laga ilbaxay
9-    Waalidiinta oo badankoodu aad uga werwera xaaladda carruurtooda qaan-gaadhka noqda, gaar ahaan wiilasha
10- Wadhafkii oo laga baxay
11- Dhegaysiga qaar ka mid ah barnaamijyada ka baxa idaacadaha oo aad loo xiiseeyo
12- Weelka cuntada ee dumarku murdin jireen oo meesha ka baxay
13- Feenashadii lafaha hilibka oo la iska daayey
14- Calaamadaha digniinta sida cabbista sigaarka oo lagu dhejiyo gidaarrada xafiisyada iyo guryaha
15- Inta badan dhallinyarada dalka oo dhoof madax-maray
16- Siyaarooyinkii la dhigi jiray oo aad u yaraaday
17- Booliskii dhar-cadda la odhan jiray oo aan dalka ka shaqayn
18- Dadka badankiisa oo indhaha ka qarsada duruufaha qallafsan ee waddanka jira
19- Barashada diinta oo noqotay il dhaqaale oo macaash badan laga helo
20- Culimada oo siyaabo kala duwan u qaata cummaamadaha
21- Beeralayda oo wax-soo-saarkooda u adeegsada sun aanay aqoon u lahayn waxyeelladeeda
22- Xaaladda dalka oo ku socota in ay hilibka cunaan oo keliya dadka lacagta badan haysta, maadaama qiimihiisu cirku isku shareeray
23- Odayaashii ka qaybgalay dagaalkii labaad ee adduunka oo dhammaaday
24- Dumarka oo uunsigii ay lugaha dhex galin jireen iska dhaafay
25- Noqoshada caaqil, suldaan, boqor iwm oo aad u fududaatay, kuna xidhan lacag aan badnayn oo xaflad caleemo-saar lagu dhigto
26- Caydii diinta, malaa’igta, Nebiga (NNKHA) iyo Ilaahay oo aad u yaraaday, kadib markii Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebistu suulinta arrintaas xil weyn iska saareen
27- Marxabbaysiis iyo raalli-gelin aan hore loo arag oo loo hibeeyo dadka wax haysta
28- Maamulka dhulka oo badankiisu ka baxay gacanta dawladda
29- Telefoonnada gacanta oo lagu soo kordhiyey adeegyo casri ah oo aan hore loo arag
30- Aroosyadii baabuurta badan magaalooyinka lagu soo wareejin jiray oo laga baxay
31- Diiwaangelinta dadka geeriyooda oo meelo badan laga hirgeliyey
32- Dumarka oo badow-baxay xidhashada googoraddii qarada weynayd ee dulaca lahayd
33- Ardayda jaamacadaha ka qallin-jabiya oo shaqo la’aan guryaha iyo gidaarrada u buux-dhaafiyey
34- Kutubka qur’aanka gaboobay ee jeex-jeexmay oo dib loo cusboonaysiiyo
35- Dab-damis yaraan baahsan oo dalka ka jirta
36- Doodaha idaacadaha ka baxa oo dadku naceen
37- Baabuurtii Landroverka la odhan jiray ee berigii hore aadka loo jeclaa oo laga tagay
38- Goobaha lagu duubo qur’aanka, axaadiista iyo muxaadarooyinka oo kuyuu loogu jiro
39- Dhallinyaro badan oo ku lebbista surwaal badhyaha lagu xidho
40- Qallin-qori (pencil) tayadiisu aad u liidato oo dalka loo iib keeno
41- Dadka waalan oo magaalooyinka si sibiq ah uga baxa, kadibna dhibaatooyin badan la kulma
42- Adeegyada dadweynaha ee hay’adaha dawladdu qabtaan oo fulintooda lagu xidho qofka madaxda ah oo keliya
43- Booqashadii bukaanka oo aad u yaraatay
44- Cudurrada jinka oo aad iyo aad ugu soo batay dalka, gaar ahaan dumarka
45- Goobaha sawirka lafaha ee gaarka loo leeyahay oo tiro beelay magaalooyinka waaweyn
46- Baaskiiladihii la kirayn ee carruurtu ku ciyaari jireen oo laga guuray
47- Is-xilqaamiddii arrimaha danta guud oo yaraatay
48- Kirishboydii baabuurta oo aad u yaraaday
49- Marfashyada koox-kooxda loogu qayilo oo batay
50- Buuggaagtii xusuuq-qorka ee gacanta lagu qaadan jiray oo la dhaafay
51- Dhimista miisaanka jidhka oo la soo baranayo
52- Ganacsiyada la wada leeyahay oo u badan qoysnimo amma kooxnimo aan wax shuruuc ah lahayn
53- Jaadkii la taqsiimi jiray oo lagu beddelay in biyaha uun la raaciyo
54- Qayilaadda oo noqotay halka ugu weyn ee raggu waqtigooda qaaliga ah ku lumiyaan
55- Dadka badankooda oo aan u aabbo-yeelin waxa calooshooda galaya
56- Xaaladda qaad-cunista oo ku socota in sida dalka Yemen rag iyo dumar meel lagu wada qayilo
57- Calool-istaag iyo isku-buuqa oo dadka ku sii badanaya
58- Baabuurtii la odhan jiray Siisowga iyo Niisaanka oo sii dabar go’aya
59- Wiilasha farmasiyada iibiya oo dadka dawooyinka u qora
60- Subaggii saafiga ahaa oo dalka ku sii yaraanaya, aadna u qaaliyoobay
61- Nabsigii raagi jiray ee dadka laga galo oo hadda soo degdega
62- Faalkii iyo tusbaxii la rogi jiray oo laga guuray
63- Dilkii oo aad u yaraaday
64- Waddaniyadda dadka oo duruufaha dhaqaale mugdi weyn geliyeen
65- Timirtii caammada la odhan jiray oo aan jirin
66- Baanboydii durbaankooda meelaha fog laga maqli jiray oo aan waqtigan jirin
67- Beeralay badan oo wax-soo-saarkooda uga faa’iidaystay mashaariicda iyo tababarrada hay’aduhu siiyaan
68- Ganacsatada reer Somaliland oo ku guuldarraystay inay kalluunka iyo milixda u iib geeyaan dalka Itoobiya
69- Baabuurtii xammuulka dadweynaha ee badeecadaha ka soo qaadi jiray Dekedda Berbera oo ay meesha ka saareen gaadiid waaweyn oo ganacsatadu gaar u leeyihiin
70- Sigaar noocyo kala duwan leh, aadna u tiro badan oo dalka la keeno
71- Qaar ka mid ah basaskii dadweynaha ee qaxootiga lagala soo noqday oo weli shaqeeya
72- Gabayadii iyo suugaantii dhegaysigooda la jeclaa oo aad u yaraaday
73- Shaqooyinkii dadka shaqaalaha ah saacadaha loo xisaabin jiray oo meesha ka baxay
74- Dhismayaasha quruxda badan iyo fooqyada tirada badan ee dalka la dhisay oo ka arradan wajahado baabuurta la dhigto
75- Badeecadaha ganacsiga oo aan la hayn qiimo go’an, qof kastana wixii la doono laga siiyo
76- Dharka huudhaydhka ah oo ku biiray ganacsiyada waaweyn ee dalka ka jira
77- Qaar ka mid ah masuuliyiinta xafiisyada dawladda iyo kuwa dadweynaha oo shaambadaha jeebka ku qaata markay xafiiska ka baxaan
78- Teebkii waraaqaha lagu qoran jiray ee xafiisyada yaallay oo lagu beddelay kombiyuutarro
79- Foostooyin caag ah oo biyaha lagu shubto
80- Heesihii laga allifi jiray qisooyinka iyo dhacdooyinka dhabta ah oo aad u yaraaday
81- Dayac baahsan oo ku yimi dhaqashada xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqaalaha dalka
82- Ragga qaadka iibiya iyo kuwa ka shaqeeya oo u badan dhallinyaro
83- Riyooyinkii dadka ee laga sheekayn jiray oo meesha ka baxay
84- Dawladda oo aan qorshe cad u dejin in cashuur-dhaaf loo sameeyo shirkadaha waaweyn ee wax ka qaban kara shaqo-abuurka bulshada Somaliland
85- Taariikhda dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray sannadkii 1977kii oo aan waxba laga qorin
86- Qubuuraha dadka lagu aaso oo loo sameeyey qorshe lagu habaynayo meelaha xabaasha laga qodayo
87- Xafiisyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo tiradoodu badan tahay, balse tayadooda waxqabad kala dhantaalan tahay
88- Jinkii dadka geli jiray oo u wareegay dhallinyarada ehlu-diinka ah
89- Sawirradii xusuusta loo geli jiray oo lag ilbaxay
90- Carruurta oo degdeg u kora, gabowshaana noqda
91- Dhallinyaro tiro badan oo bidaar iyo cirro aafaysay
92- Shaqaalaha xafiisyada dawladda iyo kuwa shirkadaha oo intooda badan niyad-jab iyo caajisnimo ka muuqdaan
93- Xidhashada muraayadaha indhaha ee xarragada loo qaadan jiray oo aad u yaraaday
94- Tirada masaajidada caasimadda Hargeysa oo 500 kor u dhaafay
95- Shacabka oo ka siman inay qofka xannuunsanaya siiyaan talooyin is-wada burinaya oo caafimaad
96- Hadalka dadka oo inta badan lagu xidhiidhiyo qolonimo amma lagu sheego in cid kale ka dambayso
97- Xafiisyada hay’adaha waaweyn ee Somaliland ka shaqeeya oo laga xukumo Nairobi
98- Miisaankii raashinka ee dukaamadu isticmaali jireen oo lagu beddelay raashin diyaarsan oo baco lagu sii xidh-xidhay
99- Dhaarta madaxda xilalka qaranka loo dhiibo oo aan si fiican loogu dhaqmin
100-              Dhallinyarada is-guursada ee laysku meheriyo oo aan la siin tababar ku saabsan dhismaha mustaqbalka qoyskooda.
 
Qosol ku saabsan tuugada iyo saameynteeda:
Waxa jiray oday reer miyi ah oo laba xaas lahaa, markaas ayuu maalin u iibiyey dameer ay biyaha ku dhaansadaan. Haseyeeshee, isagoo dameerkii reerihiisii ku sii wada ayaa saddex tuug oo maalintaas wax ay xadaan soo qaban waayey ku tashadeen inay odayga dameerka ka xadaan. Saddexdii tuug mid ka mid ah ayaa odaygii u sheekeeyey si uu u maaweeliyo, mid kalena hoggaankii ayuu ka furey dameerkii oo isaga ayaa qoorta sudhay, si aannu odaygu wax u dareemin, kii kalena dameerkii buu magaalada kula orday si uu u iibiyo. Kii maawelinayey odayga markuu ogaadey in hawshii sidii loogu talogaley u fushay ayuu ka leexday. Odaygii baa mar dambe dameerkii dib u jalleecay, markaas ayuu arkay ninkii dameerka lagu beddelay, dabadeedna wuxuu ku yidhi, ‘waar maxaad ahayd?’ Waxa uu ugu jawaabay, ‘waxa igu dhacay cadho Alle oo saacadna waxaan noqdaa dameer, saacadna nin!’
Odaygii inta uu fajacay ayuu xadhiggiisii ka furtay, reerkiisiina tagey. Muddo yar kadib ayuu tuuladii uu dameerka ka soo iibsadey dib ugu noqday. Wuxuu arkay dameerkiisii oo summaddii uu ku iibsaday ku taal oo meel ku xidhan, kadibna intuu ku soo dhowaadey buu ku yidhi; “Waar dameer marka aad doonto dameer baad tahay, markaad doontana nin baad noqotaa!?”