Qarax ka dhacay Saldhiga Booliska ugu weyn dalka Masar

Qahira (berberanews) Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaaya in qarax weyn oo laga soo buuxiyey gaari uu ku qarxay banaanka hore ee xarunta Booliska ku leeyihin magaalada Qaahira.

download (17)

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in qaraxa ay ku dhinteen afar qof ilaa iyo hadda isla markaana ay ku dhaawacmeen 51-qof kale. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meelo badan oo kamid ah magaalada iyadoo goobta uu ka dhacay iyo hareeraheeda is qabsadeen qiic iyo uuro.

Rasaas badan ayaa la maqlay qaraxa kadib, waxaana jirin ilaa iyo cidda cid sheegatay in ay ka dambeysay.

Burbur weyn ayaa gaaray xarunta Booliska iyo dhismooyina ku ag dhow, waxaana goobta la arkayay iyagoo ku cararaaya Shaqaalaha gurmadka deg dega.

Maalmo kahor ayaa  kooxo hubeysan ilaa 5-kamid ah Booliska dalka Masar oo joogay bar kontrool lagu baaro gawaarida.

Qaraxyada ayaa kusoo badanayay dalka Masar tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweynihii xukunka dheera Xusni Mubaarak

berberanews-Desk
Hargeysa/Somaliland