Faahfaahinta Kiis Kufsi-wadareed Odayaal Dhaqan Amreen Dalka India

Delhi-(Berberanews)-13 nin oo ku eedaysan inay gaysteen fal naxdin leh oo kufsi-wadareed loo gaystay gabadh ay amreen odayaal dhaqan, ayaa xabsiga la dhigay dalka India.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay 12 nin oo ku kacay kufsi-wadareed ay gaysteen gabadh da’deedu tahay 22 sanno jir iyo nin oday dhaqanmeed ah, kuwaas oo fulinayey amar ay bixiyeen odayaasha dhaqanka ee degaanka oo ciqaab uga dhigay gabadhaasi kufsiga.

Falkan oo toddobaadkan ka dhacay tuul lagu magacaabo Subalpur oo ku taal gobolka West Bengal ee dalka India, ayaa ka dhashay amar ay bixiyeen odayaasha dhaqanka oo ka cadhooday xidhiidh gabadha la kufsaday la samaysay nin ka soo jeeda qabiil kale in lagu ciqaabo kufsi.

Sida wararka ku saabsan dhacdadani sheegayaan, amarka odayaasha ayaa soo baxay kadib markii la arkay nin ka soo jeeda qabiil kale oo ku sugan guriga gabadhan la kufsaday, taasi oo keentay in madaxa odayaasha dhaqanka tuulaadaasi uu ku xukumay gabadha iyo wiilka kulmay inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan $400 dollar midkiiba.

Ibraahin Khadar Siciid

Berberaews.com, Hargeysa

Haseyeeshee, wiilka iyo qoyska gabadhaasi ayaa la sheegay inay bixin kariwaayeen lacagtaasi ganaaxa ah ee la dulsaaray, waxaannay arrintaasi keentay in odayaasha tuuladu amar ku bixiyaan koox rag ah oo ka kooban 12 ay qaataan gabadhan oo kufsadaan, kuwaas oo habeen dhan haystay.

Qoyska gabadhan dhibtu ku dhacay ayaa markii dambe la xidhiidhay booliska oo soo qabqabtay 12-ka nin ee falka kufsiga ah gaystay iyo madaxii odayaasha dhaqanka ee amarka bixiyey, kuwaas oo la horkeennayo maxkamad kiiskooda lagu qaado.

Gabadha la kufsaday oo la dhigay cusbitaal ayaa la sheegay inay xaaladeedu liidato, isla markaana dhakhaatiirtu la tacaalayaan sidii wax loogu qaban lahaa.

Dawladda Hindiya ayaa dhawaan xoojisay sharciyadda lagula dagaallamo falalka kufsiga kadib markii ay dalkaasi ka dhaceen dhawr kufsi wadareed oo qaarkood keeneen dhimasho, isla markaan warbaahinta dunidu si wayn uga hadashay.