Faysal Cali Waraabe Oo U Hanjabay Madaxwaynaha cusub Ee Puntland

Hargeysa (berberanews)  – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo maanta ka hadlayay Munaasibad xisbigiisu u qabtay taageerayaal ku soo biiray, ayaa Madaxwaynaha cusub ee Puntland uga digay inuu farogalin ku soo sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

DSC04916-475x356-vert

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Madaxwaynaha Afraad ee Puntland waxa uu ololaha ku galay Sool iyo Sanaag, waxaan leeyahay Cabdiweli Sool iyo Sanaag waxa leh dadkii lahaa, waxaa lagaa rabaa saddexdii Madaxwayne ee kaa horeeyay wanaaggii ay keeneen inaad wax ku darto, maaha inaad dagaal keento, dagaalna waad ogtahay oo wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta, annaguna waanu idiin sheegnay oo shaf la cuno ma lihin ee dhabar la cuno ayaanu leenahay, inta aanu sii jeedno waydun na cuni, laakiin markaanu soo jeedsano waad na taqaanaan”

berbernews-Desk

Hargeysa/Somaliland