Khasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhacay Buuralayda Galgala

Puntland-(Berberanews)-Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaal ku dhexmaray Galgala oo 30km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ciidammada Puntland iyo Kooxda Al-shabaab oo dhufaysyo ka samaystay deegaankaas.

Ku simaha Wasiirka Amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan, ayaa ka warbixiyey Dagaalka Saaka  Deegaanka Buuralayda Galgala ku dhexmaray Ciidamada iyo Kooxda Al-shabaab ee Fadhiisinka ka sammaysatay Deegaankaa.

gALGALA

Col. Khaliif Ciise Mudan, ayaa xaqiijiyay in dhinacooda hal askari kaga dhintay Dagaalka, halka dhinaca kalena uu sheegtay inay ka dileen saddex askari, isagoo xusay in weerarka ay ciidammadda Puntland ku qaadeen deegaankaas.

La soco Warkoo dhammaystiran