Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo Gobollada Dalka U Kala Diray Kooxo Talaalaya 4 Milyan Oo Neef

Hargeysa (berberanews): – Wasaaradda Xanaanada xoolaha Somaliland, ayaa maanta dhowr kooxood u kala dirtay Gobollada dalka, kuwaasi oo bilaabaya talaalka xoolo dhan 4 Milyan oo neef, kuwaasi oo laga talaalayo cudurka Sombobka ee ku dhaca adhiga, siiba Riyaha.


download (11)

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha, Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo saxaafadda la hadlay maanta markii ay dirayeen kooxaha caafimaadka xoolaha, ayaa faahfaahiyey shaqada kooxaha ay dirayaan iyo mudada talaalka xooluhu soconayo, waxaanu yidhi “Wasaaradda xanaanada xoolaha oo ay gacansiinayso hay’adda FAO waxay gobollada dalka u diraysaa shaqaale ka hawlgalaya oo talaalaya cuduro halis ku ah xoolaheenna ama kobociisa halis ku ah ama iib geyntiisa halis ku ah, cudurkaa waxa laga talaalayaa afar milyan oo neef, waana cudurka u gaarka ah Riyaha, Waxaana baxaya shaqaale dhan 100-qof iyo isuduwayaashii gabolladaa iyo xidhiidhiyaashii kormeeraya, hawshaa waxa ayna soconeysaa 67-Cisho oo joogto ah”Wasiirku wuxuu fariin u diray xoolo dhaqatada Somaliland “Waxaanu ku boorinaynaa dadwaynaha xoolo dhaqatada ah inay gacan siiyaan shaqaalaha caafimaad ee talaalaya ama u daaweynaya xoolahooda” ayuu yidhi, isaga oo Badhasaabada iyo Maayarada dalkana u soo jeediyay inay gacan siiyaan kooxaha caafimaadka xoolaha.