Dr. Mario Weick oo ka tirsan Jaamacadda Kent iyo Dr. Pter oo ka socday jaamacadda Adelaide oo wada hoggaaminaayey daraasadan ayaa sheegay in ay ogaadeen xidhiidhka ka dhaxeeya awoodda iyo aar-gudashada.
Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen Jaamacadda Kent iyo Adelaide ee dalalka Ingiriiska iyo Australia, ayaa iftiimisay in dadka awoodda maamul amma madaxtinimada ku cusub ay yihiin qaar aar-gudasho badan, isla markaana aan dulqaad u lahayn dadkay madaxda u yihiin amma wada shaqeeyaan.
Dr. Mario Weick oo ka tirsan Jaamacadda Kent iyo Dr. Pter oo ka socday jaamacadda Adelaide oo wada hoggaaminaayey daraasadan ayaa sheegay in ay ogaadeen xidhiidhka ka dhaxeeya awoodda iyo aar-gudashada.
Cilmi-badhayaashan oo natiijadooda ku soo gebagebeeyey afar tijaabo oo daraasadahoodu ka koobnaayeen oo laga qaaday 500 qof oo ku kala dhaqan Ingiriiska iyo Australia, waxaana lagu ogaaday in dadka awoodda maamul ku cusub ee aan xilal hore soo qaban ay yihiin qaar nugul oo aan u dulqaadan khaladaadada amma dhaleecaynta, taasina ay sababto in ay inta badan ku mashquulaan aar-gudashada dadka ka soo horjeesta fikradahooda.
Awooddu maaha wax si fudud ku fiicnaata amma ku xumaata, waxaanay dad kala duwan u saamaysa habab kala duwan, waxaanay daraasadahayagu hoosta ka xarriiqeen in saamaynaha toga nee awoodda maamul ay inta badan ku badan yihiin dadka masuuliyada ku cusub, ayuu yidhi Dr. Weick.