Golaha Wakiillada oo ansixiyay Xeer hoosaad lagu yareeyay awoodda Ku-xigeennada

Hargaysa-(Berberanews)– Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadka golahaasi oo maamulkiisa si buuxda ugu wareejiyey Guddoomiye Cirro, halka labada guddoomiye-ku-xigeenna laga qaaday qaar ka mid ah awooddahoodii.

golaha-wakiilada1

Fadhigii Golaha Wakiillada ee maanta oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi, ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro, kana qaybgaleen 55 mudane, waxa lagu ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadka aqalkaasi ku dhaqmi jiray, kaasi oo awoodihii iyo maamuuskii shirguddoonimo wax wayn ka dhimaya Guddoomiye-ku-xigeennada kowaad iyo labaad ee golahaasi – Md. Baashi Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed, kuwaasi oo sida xeerku dhigayo aanay wixii hadda ka dambeeya fadhiisan karin xayndaabka shirguddoominta marka uu guddoomiyuhu joogo, isla markaana ka qaadaya awooddii ay hore ula lahaayeen guddoomiyaha magacaabista guddi-hoosaadyada.

Cod gacan tag ah oo loo qaaday ansixinta xeerkaasi, waxa ogolaaday wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeer-hoosaadka golaha 42 Xildhibaan, waxa diiday 8 Xildhibaan, halka 4 kalena ka aamuseen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayey hore isku khilaafeen labadiisa guddoomiye-ku-xigeen Md. Baashi Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed, kuwaas oo ka soo horjeestay isku-shaandhayn uu guddoomiyuhu ku sameeyey guddi-hoosaadyada golahaasi.