Badhasaabkii Hore Ee Togdheer Oo Maanta Xilka Ku Wareejiyay Badhasaabka Cusub

Burco (berbernews) Badhasaabka cusub ee dhawaan loo Magacaabay Gobolka Togdheer, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa maanta xilkii kala wareegay Badhasaabkii hore ee gobolkaasi, Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji).

Xamarji-Iyo-Maxamed

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay xil wareejinta Guddoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer ee xilkaasi iska casilay, Mr. Xamarji, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, Cismaan Garaad Soofe, Maayarada Magaalooyinka dalka qaar iyo Madax-dhaqameed tiro badan.

 

Badhasaabkii hore ee gobolka Togdheer, Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha xilka kala wareegay, isaga oo sidoo kalena ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey “Nin walba waxbuu sii suntadaaye, waxaan noqonayaa 13-ka badhasaab ee dalka inaad noqdo Badhasaabkii gobolkiisa u sameeya buugga horumarinta gobolka Togdheer, wixii baahi ah ee u baahan in wax laga qabto buuggaas ayay ku idil yihiin” ayuu yidhi, Guddoomiyaha xilka wareejiyey, Mr. Xamarji.

Badhasaabka xilka la wareegay, Maxamed Muuse Diiriye, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey waxqabadka uu muujiyey mudadii uu xilka hayey Badhasaabka uu xilka kala wareegay, isaga oo tilmaamay inaan Xamarji xilka laga eryin “Axmed lama eryin, hase-yeeshee wuu ka cudur daartay, waxaanan ka markhaati kacayaa inuu yahay nin da’yar oo firfircoon oo dadka ku dhex jira oo isku wadaya ayuu ahaa” ayuu yidhi, Maxamed Muuse Diiriye, waxaanu intaa ku daray “Reer Burco maanta isuguma kaayo horeyso

Berberanews-Desk

Burco/Somaliland