DUNDUMO MAYDH MAANSO : XILDHIBAN QABILE

Maansadan la magac baxdey (Dundumo Maydh) oo uu curiyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Caawa oo ay taariikhdu tahey 28/01/2014. Wasxay daba socotaa silsiladii Garbadiir ee uu bilaabey Abwaan Axmed awgeedi ee sida qotoda dheer uga warameysey wacyiga jira, iyo marxalada adage e dalku marayo. Xildhibaanku wuxuu ku bilaabey sidatan:-

  1. dedan maahee daalacan,
  2.  geedi wuxuu u duurxuley
  3. deeley u halabsadey,
  4.  nabar doogtu furantoo
  5. damqashiyo xanuunba leh,
  6.  cidi kuma duduucine
  7.  dareen buuxsamaa jira,
  8. waqtigaa u direy hawl
  9. dadku uu ubaahnaa,
  10.  duufaanadii carab
  11. ku dirqiyey waxyeelada
  12. tuuniisiya wixii durey
  13. masar daadkii wadagaley
  14. liibiya ku daadegay
  15. dabridkeedii yamaniyo
  16. suuriya wixii degay
  17. dakharadaa xasuutale
  18. waxa didiyey waa cadho
  19. dabuub horaa waxey tidhi
  20. foodsaar daleysnaa
  21. dabasaarkii loo celi
  22. dulucdeedu waxay tahey
  23. sharcigoo la daahiyo
  24. xeerarkoo la daba marey
  25. waxaan doono aan falo
  26. ruuxna yuu i dabagelin
  27. sidaa waxa daliishadey
  28. nin dookhiisa sahansadey
  29. waa dirkii nabruudiyo
  30. fircoon dala’asigiisii
  31. dushuunbaa la taabtee
  32. wali looma daadegin
  33. waxa daafta kale yaal
  34. dilaal iyo malaaliyo
  35. dibjiradu alooseen
  36. himiladii dadku lahaa
  37. danabadu ku le’edeen
  38. duunyadeena loo hurey
  39. duubyadu ku laabmeen
  40. badhna aakhiro u degay
  41. dib inaan u celiyaa
  42. dariiqyga maahee
  43. dibindaabyo kale iyo
  44. cadawgaan mar hore direy
  45. inaan daawo lala gelin
  46. marlabaadna lay dagin
  47. dawgaynu hayno
  48. daliilkiisa yaa saxey
  49. maxaa ii damaanada ,
  50. afartaa daleeyaye
  51. waxa aan ku darayaa.
  52. dalka oo bukoodoo
  53. cid dabiibta loo helin
  54. eebaha deeqda bixiyiyo
  55. daa’inkaan ka magangaley
  56.  su’aal baana daba taal
  57. Xumaan daafaceediyo
  58. Digarogoshodeedii?
  59. abwaanadaan u dirayaa
  60. iney doorkan keenaan
  61. deelqaaf anoon ridin
  62. waxan taa ku sii darey
  63. d’a yartii dareertee
  64. saxaraha ku dabar go’ay
  65. ama raacey doonyaha
  66. badahaa ku daakiyey
  67. hilibkooda darabta ah
  68. bahaluhu daldalayeen
  69. ka dibirey libaaxiyo
  70. kaluunkoo is daba galey
  71. damanuhu ma moogyahey
  72. dugayeeyda yeedhiyo
  73. baroortaan mar qudha damin
  74. ma damqadey ma jiidh naxey
  75. dad ma dhaqe ma moogyahey
  76. waxa didiyey maatada
  77. waxa debad baxoodiyo
  78. dabeyl raaca ugu wacan
  79. waa su’aal deldelanoo
  80. abwaanadaan u dirayaa
  81. iney doorkan keenaan
  82. afartaa daleeyaye
  83. waxa aan ku degayaa
  84. tu kaloo ka sii daran
  85. cadligii dushu’u baxey
  86. garsoorkaa dayaxa korey
  87. xaqiibaa la dacal marey
  88. sinaan laga dibooyoo
  89. dadku wada jirkii lumi
  90. dirsoociyo waswaasiyo
  91. qabiilbaa darka u galey
  92. samihiina laga durug
  93. nin danlaa ka taajiray
  94. ma durbaano khaliyaan
  95. deymada ku dhowraa
  96. ma dudada banaanbaan
  97. ku dugaashadaa khalad
  98. duurka waxan u galayiyo
  99. meeday dawladnimadii
  100. waa su’aal deldelanoo
  101. abwaanadaan u dirayaa
  102. dawadeedu waxey tahey
  103. iney doorkan keenaan
  104. afartaa daleeyaye
  105. wax aanku darayaa
  106. wali daalaleeydiyo
  107. danta aan ka leeyahey
  108. dabnaheygu mey furin
  109. diihaalka gaajada
  110. duruufaha adkaadiyo
  111. danyaraha saboolka
  112. daryeel li’ida haysiyo
  113. dacartiyo dhibtuu qabo
  114. nin dibirey ka xoogsadey
  115. tiiyoo diifi haysoo
  116. boqolaal dabloo shidin
  117. cashuur lagu dalacayiyo
  118. xisaabaha dul socodka’ah
  119. dakhli laga uruursado
  120. waxa loogu sii darey
  121. nimcaa dedan dhulkeeniyo
  122. kibir laga dul heesaa
  123. cid u diirnaxaysoo
  124. debecseni ku eegtoo
  125. u damqada ma leeyiin
  126. waa su’aal deldelanoo
  127. abwaanadaan u dirayaa
  128. iney doorkan keenaan
  129. Axmedoow dundumo maydh
  130. docna uma dhaqaaqee
  131. waxaan doonisteedii
  132. u dabaal-degaayiyo
  133. waxan diidanee jira
  134. inaan laba u kala deyo
  135. diirka aan ka qaadee
  136. dabayaaqadii mey
  137. duhur laysu wada jiro
  138. goosashadan dabka u ridey
  139. go’aankii dadweynee
  140. distoorkeena lagu dhigey
  141. dedaalkaan ku goostiyo
  142. ninka dood ka celiyaa
  143. danbi qaran inuu galey
  144. dadwaynaa u markhaatiya
  145. carab dalable laba jeer
  146. ninka ila dul joogoow
  147. dumadaada weeyaan
  148. waqtiyaa is daba marey
  149. dabinaa ku hoos xidhan
  150. miinaan dulmarayaa
  151. doonibaa badweyn jaban
  152. mawjadaa dalacayoo
  153. ku dib jirey horseedkii
  154. dalcadaa la galey adag
  155. jarbaa lagu dul joogaa
  156. fikir laga dambariyiyo
  157. hadaan taladu dabar helin
  158. go’aan loo degdegiyo
  159. runta doobir laga dhigan
  160. door-roone loo xuley
  161. aanu diirada u qaban
  162. daba gala wixii lumey
  163. dawga laga habaabiyo
  164. ku dabaala xeerkii
  165. daacadnimo ku maamula
  166. rajo daadegeysiyo
  167. darayiyo dhib mooyee
  168. wax is doorsha lama filo