Wariyihii labaad Ee Bishan Ka Geeriyoodda BBC-da

Nairobi (berberanews) Anne Waithera oo ka mid ahayd Wariyayaasha idaacadda BBC-da ayaa xalay ku geeriyootay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

images (1)

Anne ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay u jiiftay cudurka kansar-ka oo muddo hayey, waxayna ku geeriyootay 39 sano jir.

Anne Waithera, ayaa idaacadda BBC-da  ku biirtay sanadkii 2009, waxaana ay idaacadda uga soo warrami jirtay wadanka Kenya.

Anne, Waxay ahayd weriyihii ugu horreeyay ee laba luuqadood ku soo warrama ee ay BBC-da u dirsatay Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya

Geerida Anne ayaa ku soo beegmaysa maalmo yar ka dib markii uu BBC-da ka geeriyooday weriyihii caanka ahaa ee Komla Dumor, oo ku dhintay Magaalada London

berberanews-Desk

Nairobo/kenya